Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man United Oo Ugu Dambayn Baxaya &

Goolhayaha kooxda Manchester United ee David De Gea ayaa lagu soo warramayaa inuu dhammaadka xilli ciyaareedkan iskaga tagayo kooxdaas oo uuu mudo 10 sano ah kasoo tirsanaa.

Sida uu sheegayo wargeyska Mirror, Man United ayaa diyaar u ah inay iska fasaxdo De Gea isla markaana ay meesha ka saarto lacagta 350,000 ee pound ah ee uu toddobaadkii mushahar ahaan uga qaato.

Si kastaba, iyadoo heshiiskiisa Old Trafford uu yahay mid ay ka hadheen laba sano oo kale, dhaqaaq kasta oo ay Man United ku dooayso inay ku dirto De Gea ayaa noqon doona mid ay lacag ku siiso isaga.

De Gea oo ah xiddiga ugu mushaharka badan Manchester United wakhtigan isla markaana mar loo arkayay xiddiga ugu fiican ee ay kooxdaasi haysato ayuu qaab ciyaareedkiisu hoos u dhacay muddooyinkan ugu dambeeyay.

Iyadoo Dean Henderson dib looga wacay heshiis amaah ah oo guuleystay oo uu ugu maqnaa Sheffield United isla markaana uu saxeexay qandaraas 120,000 oo pound ah oo lix sano ah ayuu tababare Ole Gunnar Solskjaer diyaar u yahay inuu isaga siiyo doorka goolhayaha koowaad xilli ciyaareedka dambe.

24 sano jirkaas ayaa si weyn uga faa’idaystay maqnaanshaha David oo ku laabtay dalkiisa Spain halkaas oo ay xaaskiisu ilmo ugu dhashay, Hendo ayaa mudadaas saddex kulan oo Premier League ah shabaqiisa ilaashaday walow uu sababay qaladka gool ay AC Milan kaga dhalisay Europe League.

De Gea ayaan ahayn goolhayaha kaliya ee Manchester ka baxaya xagaaga, Mirror ayaa sheegaya in Sergio Romero, Lee Grant iyo Joel Perreira dhammaantood heshiisyadoodu dhacayan dhammaadka xilli ciyaareedkani ay sidoo kale baxayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More