YAAB: Guardiola Wuxuu Laag Dabada Kaga Dhufan

Weeraryahanka Bayern Munich ee Thomas Muller ayaa ka sheekeeyey waqtigii uu tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola uu joogay kooxdaas, waxaanu bannaanka keenay qiso layaab ay noqotay kelmadaha uu u adeegsaday.

Thomas Muller waxa uu sheegay in Pep Guardiola uu dabada harraati kaga dhufan jiray ciyaartoyda Bayern Munich waqtiga tababarka, isla markaana uu dhiirigelin cajiib ah siin jiray ciyaartoyda.

“Faa’iido ayaanu ka helnay Pep Guardiola markii uu noo yimid annagoo guul weyn gaadhnay sannadkii 2013.” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay Thomas Muller, waxaanu ku daray: “Jupp Heynckes ayaa hawl-gab noqday, waxaanu Pep Guardiola isku dayay wax walba si aanu u guuleysano.

“Sidaa darteed, nama siin jirin waqti aanu ku nasasano, sababtoo ah Pep dabada  ayuu naga laadi jiray waqti kasta oo aanu tababaranayno isagoo doonaya in uu adduunyada oo dhan tuso horyaalka cusub ee uu yimid.

“Guardiola mar kasta qorshe ayuu noo dejin jiray, toban daqiiqadood kaddibna waxa aanu lahayn shan ama afar qorshe oo kala duwan. Wax walba wuu beddelay.

“Wuxuu daawan jiray kooxaha naga soo hor-jeeda, waxaanu odhan jiray ‘oh, qorshahayga hore kuma fiicna’ ama ‘qorshahayga hore ma shaqaynin’.”

Waqtiga uu Pep Guardiola joogay Bayern Munich oo ahaa saddex xilli ciyaareed, waxa uu nasiib u yeeshay inuu layliyo ciyaartooyo weerar halis ah oo hal mar isku soo gaadhay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Frank Ribery, Arjen Robben, Mario Gomez, Mario Mandzukic, Mario Gotze, Thomas Muller iyo Douglas Costa, laakiin waxa uu awoodi waayey in uu kooxda gaadhsiiyo heerkii ay joogtay waqtigii tababarihii ka horreeyey ee uu shaqada ka beddelay ee Jupp Heynckes, waxaanu ugu dambayntii ka tegay isagoo waqtigiisa Bavaria lagu tilmaamayo mid aan u guuleysanin sidii laga filayay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More