AKHRISO: Wax Kasta Oo Aad Uga Baahan Tahay

Waddada ay dalalka Yurub u marayaan Koobka Adduunka ee Qatar lagu qaban doono sannadka dambe ee 2022, way dheer tahay, iyadoo ay toddobaadkii hore qaramadu bilaabeen kulamada isreeb-reebka.

Waddamada waaweyn ee loo saadaalinayo inay ku guuleysan doonaan Koobka Adduunka oo intooda badan ah kuwa qaaradda Yurub ayaa ku kala jira hormooyin kala duwan, iyagoo fursado u haysta in ay usoo bixi doonaan.

Xulka qaranka England ayaa meel kula jira Poland iyo Hungary, halka Spain ay isku hormo yihiin Sweden, balse Faransiiska ayaa isaguna ah kan ugu awoodda badan ee ku jira group D.

Isreeb-reebka hore ee Koobka Adduunka ee dalalka Yurub, waxa lasoo gabogabayn doonaa bisha November ee dhamaadka sannadkan iyadoo 55ka waddan ee qaaradda Yurub ay intooda badan ku hadhi doonaan marxaladdan. Bisha March ee sannadka dambe ayay bilaabmi doonaan kulamo kale oo isreeb-reeb ah oo lagu xaqiijin doono saddex dal oo ku biiri doona toban dal oo bisha November si caddaan ah boosaskooda Koobka Adduunak u diyaarsan doona.

Haddaba, warbixintan waxa aanu idiinku soo gudbinaynaa xogta aad uga baahan tahay in aad ka ogaato kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee dalalka Yurun.

Imisa waddan oo Yurub ah ayaa usoo gudbi doona Koobka Adduunka?

Tiraba 13 dal ayay qaaradda Yurub ku yeelan doonaa Koobka Adduunka, waxaanay dhamaantood ku imanayaan isreeb-reeb iyo jid dheer oo ay soo marayaan.

55 dal oo ay qaaradda Yurub ka kooban tahay ayaa dhamaantood isreeb-reebka ka qayb-gelaya. Shan hormo ayaa lagu ururiyey min shan waddan, halka shan hormo oo kalena ay ka kooban yihiin min lix dal.

Tobanka kooxood ee kaalmaha koowaad kaga soo baxa tobanka Group, waxay si toos ah ugu gudbi doonaan Koobka Adduunka oo la markii ugu horreysay la ciyaari doono bilaha November iyo December ee sannadka dambe ee 2022, iyadoo waqtigii horena loo beddelay si looga badbaado waqtiga kulaylaha aadka u daran ee Bariga Dhexe.

Waqtiyada la ciyaarayo isreeb-reebka

Bishan aynu ku jirno ee March ayay bilaabmeen kulamada isreeb-reebku, waxaanay socon doonaan illaa November, laakiin toban waddan oo kale oo ah kuwa kaalmaha labaad kaga soo baxa hormooyinka ayaa loo qaban doonaa isreeb-reeb kale bisha March ee sannadka dambe ee 2022, waxaana soo gudbi doona saddex dal oo kaliya oo ku biiri doona tobanka dal ee sida tooska ah u baxaya.

Taariikhda kulamada isreeb-reeka:

Kulamada 1aad: March 24-25 2021Kulamada 2aad: March 27-28 2021Kulamada 3aad: March 30-31 2021Kulamada 4aad: September 1-2 2021Kulamada 5aad: September 4-5 2021Kulamada 6aad: September 7-8 2021Kulamada 7aad: October 8-9 2021Kulamada 8aad: October 11-12 2021Kulamada 9aad: November 11-13 2021Kulamada 10aad: November 14-16 2021

Sidee ayay waddamadu ugu kala jiraan hormooyinka?

Group A: Portugal, Serbia, Republic of Ireland, Luxembourg, Azerbaijan

Group B: Spain, Sweden, Greece, Georgia, Kosovo

Group C: Italy, Switzerland, Northern Ireland, Bulgaria, Lithuania

Group D: France, Ukraine, Finland, Bosnia & Herzegovina, Kazakhstan

Group E: Belgium, Wales, Czech Republic, Belarus, Estonia

Group F: Denmark, Austria, Scotland, Israel, Faroe Islands, Moldova

Group G: Netherlands, Turkey, Norway, Montenegro, Latvia, Gibraltar

Group H: Croatia, Slovakia, Russia, Slovenia, Cyprus, Malta

Group I: England, Poland, Hungary, Albania, Andorra, San Marino

Group J: Germany, Romania, Iceland, North Macedonia, Armenia, Liechtenstein

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More