Sidee Ayuu Romelu Lukaku Isaga Riday 7 Kiilo Oo

Ka dib markii la koontaroolay cuntada uu qaato, Romelu Lukaku ayaa iska dejiyay 7 kiilo oo baruur ah isagoo ka mid noqday xiddigaha ugu jir dhiska fiican kooxdiisa Inter Milan.

Waqtigii uu joogay Manchester United, Lukaku waxaa kortay 4 kiilo oo baruur ah sababo la xiriira dhibaato uu ka qabay dheefshiidka iyadoo kooxda iyo isaguba aysan waqtigaas ka warqabin dhibaatada heysatay.

Markii uu tagay Inter Milan wuxuu culeyskiisu ahaa 104 kiilo garaam, taasoo keentay in tababare Antonio Conte uu ku qasbo in la koontaroolo cuntadiisa islamarkaana la geliyo tababar adag oo uu baruurta isaga rido.

Sida ay sheegtay La Gazzetta dello Sport And according to La Gazzetta dello Sport, hadda culeyskiisa waa 97 kiilo ka dib markii uu raacay talada dhakhtarka nafaqada Matteo Pincella.

Pincella oo sidoo kale la shaqeeya xulka qaranka Talyaaniga ayaa qeyb ka ahaa shaqaalaha Conte tan iyo sannadkii 2012.

Wuxuu u dejiyay qorshe cunto oo Lukaku ka dhigay inuu la soo baxo qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa, waxaa laga joojiyay cunista Pizza iyo baasto iyadoo cuntadiisa loo bedelay digaag, bataatiga macaan, baasto khudaar laga sameeyay iyo kalluun.

Lukaku ayaa loo ogol yaahy isbuucii hal maalin inuu cuno cuntadii uu doono, waxaadna arki kartaa isbedelka jir ahaaneed ee ku dhacay xiddiga reer Belgium.

“Markii aan ku biiray Inter waxaan qiimeyn ku sameynay jirkeyga, wax badan ayaa isbedelay” ayuu Lukaku u sheegay shabakada Inter.

“Waxaan cunaa ansalaato iyo kalluun badan taasoo saameyn weyn igu yeelatay. Waxaan qaataa Carnitine iyo vitamins.

“Ansalaato ayaa qado ahaan u cunaa iyo digaag badan iyo baasto khudaar laga sameeyay. Tan iyo markii aan bilaabay inaan qaabkaan u noolaado waxaan noqday mid ku fiican garoonka oo orod badan.

“Aad ayaan u jeclahay bataatiga macaan iyo bariiska buniga ah, ma cuno baastada caadiga ah.

“Waxaan gaaray heer kale jir ahaan iyo maskax ahaanba. Maalinta ka horeysa maalinta aan ciyaar leenahay waxaan cuni karaa cunto badan oo aan koontaroolneyn.

“Waxaan wax ku cabaa ama ku cunaa garoonka, maqaaxida garoonka ama cunto ayaan ka soo qaataa gurigeyga.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More