Rikoodhka Xiddigaha Ugu Safashada Badan Kooxaha

Lionel Messi ayaa jabiyay rikoodhkii Xavi Hernandez isagoo noqday xiddiga ugu safashada badan taariikhda Barcelona isagoo ciyaaray kulankiisii 768aad.

Waxay taasi ka dhigtay inuu rikoodhka safashada Barcelona kala wareego halyeeyga khadka dhexe Xavi Hernandes oo 767 kulan u saftay Barcelona.

Laakiin Messi halkee ayuu soo galayaa xiddigaha kale ee heysta rikoodh-yada safashada ee kooxaha Yurub.

Xiddiga reer Argentina wuxuu kaalinta afaraad ka soo galayaa rikoodhka xiddigaha ugu safashada badan kooxaha Yurub iyadoo ay ka horeeyaan seddex halyeey oo caan ka ahaa horyaalka Tayaaniga.

Rikoodhka xiddiga ugu safashada badan kooxaha Yurub waxaa heystay halyeeyga AC Milan Paolo Maldini kaasoo kooxda Rossoneri u saftay 902 kulan ma jiro xiddig kale oo u soo dheelay kooxaha waa weyn ee Yurub oo ciyaaray tiro ku soo dhow Maldini.

Xiddiga ku soo xiga waa halyeeyga Inter Milan Javier Zanetti oo saftay 858 kulan iyadoo kaalinta seddexaad uu ku jiro halyeeyga AS Roma Francesco Totti oo u saftay kooxda caasimada Talyaaniga ka dhisan 786 kulan.

Messi wuxuu ka sareeyaa halyeeyga Real Madrid Raul kaasoo heysta rikoodhka safashada Los Blancos isagoo saftay 741 kulan. Halka Alessandro Del Piero oo heysta rikoodhka safashada Juventus uu ciyaaray 705 kulan.

AC Milan: Paolo Maldini

Inter: Javier Zanetti

Roma: Francesco Totti

Barcelona: Leo Messi

Real Madrid: Raúl González

Juventus: Alessandro Del PieroLa Wadaag Asxaabtaada:WhatsAppEmailTweet Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan Cancel reply

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.

Halkaan Hoose Ku Qor Fekerkaaga

Magaca *

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More