Waqtiga Ay Tottenham Shaqada Ka Caydhinayso Jose

Jose Mourinho ayuu saaran yahay culays weyn kaddib markii ay kooxdiisu xalay ka hadhay tartanka Europa League oo ay si xun ugu garaacday Dinamo Zagreb oo ku burburisay 3-0, iyadoo ciyaartii hore ay Spurs is-bidday inay iska xaadirinayso wareegga siddeedda.

Tababaraha reer Portugal oo bilowgii xilli ciyaareedka ay kooxdiisu ka mid ahayd naadiyada loo saadaalinayo inay ku guuleysanayso horyaalka Premier League ayaa  hadda ay u dhacday kaalinta siddeedaad, taas oo halis gelinaysa in ay fursad u helayso inay kasoo muuqato tartamada Yurub ee xilli ciyaareedka dambe.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Tottenham ayaa go’aan ka gaadhay Jose Mourinho, waxaanay ugu dambayntii soo afjaraysaa waayihiisa Spurs iyadoo uu raaci doono dariiqii Mauricio Pochettino oo ahaa macallinkii uu shaqada ka  beddelay sannad iyo badh ka hor.

Mulkiilaha Tottenham ee Levy ayaa uu wargeysku sheegay in uu Jose Mourinho u sheegay in hal sabab kaliya uu kusii joogi doono kooxda, taas oo ah in uu sameeyo arrin qayru-macquul u muuqata oo ah in kooxdu ay kasoo qayb-gasho tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, taas oo ka dhigan in ay ugu yaraan kaalinta afraad ku dhamaysato.

Jose Mouriho oo sannadkii mushahar ahaan uga qaata Tottenham lacag dhan £13 ayaa uu Levy hore uga warwareegayay in uu shaqada uga caydhiyo sabab la xidhiidha lacagta magdhowga ah ee uu qaadan doono Special One haddii la eryo, laakiin hadda ayuu samirkii ka dhamaaday maadaama kooxdu ay meel hoose u dhacday iyadoo haysata ciyaartooyo wanaagsan.

Laba tababare ayaa Spurs ay u calaamadsatay beddelka Mourinho, waxaana murashaxa koowaad ee ay doonayaan uu yahay tababaraha kooxda reer Germany ee RB Leipzig ee Julian Naglesmann oo ay kooxo badan jeclaysanayaan falsafaddiisa tababarenimo ee uu kusoo kordhiyey garoomada.

Naglesmann ayaa la sheegay in mushahar ahaan uu aad uga hoosaynayo Jose Mourinho oo kaliya uu ku qanci karayao £6 milyan oo Gini sannadkii, isla markaana uu ku fiican yahay la xidhiidhka ciyaartoyda iyo dhiirigelintooda, halka Jose Mourinho lagaga fiican yahay la saaxiibidda ciyaartoyda.

Tababaraha labaad ee ay Tottenham doonayso ayaa ah macallinka kooxda Leicester City ee Brendan Rodgers oo aan la garanayn sida ay kooxdu ugu qancin karayso inuu ka tago King Power Stadium oo uu yimaaddo magaalada London.

Si kastaba, waqtiga shaqo ka caydhinta Jose Mourinho ayaa la sheegay in uu noqonayo xagaaga marka uu soo dhamaado xilli ciyaareedkan socda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More