Real Madrid Oo Guul Ay Ku Rafaaday Ka Gaartay Valladolid,

Real Madrid ayaa guul ay u rafaaday ka gaartay kooxda Real Valladolid oo marti ugu aheyd garoonkooda ku meel gaar ah ee Di Stefano Stadium, iyagoo ku garaacay 1-0 kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Bedel uu sameyay tababare Zidane bartamihii qeybta labaad ee ciyaarta ayay Real Madrid ku badisay iyadoo Vinicius Jr oo kursiga keydka ka soo kacay uu dhaliyay goolka kaliya ee ay Los Blancos ku badisay halka goolhaye Courtois uu badbaadino fantastik ah sameeyay.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay leedahay todoba dhibcood ka dib seddex kulan oo ay ciyaareen iyagoo ku jira kaalinta 3aad ee miiska kala sareynta.

Tababare Zidane ayaa isbedelo ku sameeyay shaxdiisa isagoo ku soo bilaabay xiddiga la ilaaway Luka Jovic halka daafacyadiisa garbaha uu ku sioo bilaabay Marcelo iyo Ordiozola.

Kooxda martida aheyd ee Valladolid ayaa heshay fursadii ugu horeysay ee ciyaarta daqiiqadii 9aad markii uu kubad madax aheyd ku sigay weeraryahanka yahuuda ah Weismann laakiin waxaa ka badbaadiyay goolhaye Courtois.

Real Madrid ayaa labo fursadood oo isku xigta heshay daqiiqadii 13aad iyadoo Jovic baas uu u dhigay Marcelo ay keentay in daafaca reer Brazil laga block-gareeyo darbadiisa, ka dib waxaa helay kubada Valverde iyadoo uu goolhaye uu bixiyay kubadii ka timid xiddiga khadka dhexe.

Daqiiqadii 19aad Real Madrid waxaa soo martay fursad gool loo fishay oo uu ka qasaariyay Luka Jovic. Valverde ayaa ka soo xarooday garabka midig isagoo kubada u dhigay Jovic oo goolka ku toosnaa laakiin darbadiisa goolka loo fishay wuxuu hareermariyay goolka, waxay aheyd fursadii ugu weyneyd ee la abuuray qeybtii hore oo lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Seddex daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad Real Madrid ayaa qarka u fuushay inay hogaanka u qabtaan ciyaarta, koorno la soo qaaday ayaa waxaa madaxeeyay Luka Jovic, waxaa soo bixiyay goolhaye Roberto ka dib waxaa ku celiyay Casemiro oo birta garaacay.

Valladolid ayaa kaga jawaab celisay fursad ay heleen daqiiqadii 56aad iyadoo weeraryahankooda Wiesmann uu kiubad ku helay afka hore ee xerada ganaaxa laakiin waxaa darbadiisa isku tuuray oo badbaadiyay goolhaye Courtois.

Tababare Zidane ayaa saacad markii ay socotay bedel ku soo geliyay ciyaarta Vinicius Jr iyo Asensio isagoo bixiyay Isco iyo Luka Jovic, labada xiddig ee bedelka ku soo galay ayaana ciyaarta wax ka bedelay.

Vinicius Jr ayaana hogaanka u dhiibay Real Madrid daqiiqadii 67aad isagoo dhaliyay gool ay caawiyayaal ka noqdeen Valladolid ka dib markii baas ka yimid Valverde uu ku dhacay xiddiga Valladolid ah ka hor inta uusan dhameystirin xiddiga reer Brazil.

Daqiiqadii 71aad Courtois ayaa sameeyay badbaadintii seddexaad ee weyn isagoo kubad halis aheyd ka bixiyay daafaca garab ee Valladolid Garcia kaasoo darbo halis aheyd ku tuuray goolka. Shan daqiiqo ka dib wuxuu Courtois fursad kale ka beeniyay Rubio.

Daqiiqadii 85aad Real Madrid ayaa heshay fursad ay ciyaarta ku dili kareen markii goolhayaha Valladolid uu qalad sameeyay iyadoo kubada uu la wareegay Modric, goolhayaha ayaa ka quustay inuu kubada badbaadiyo, laakiin darbadii Modric waxay ku dhacday.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Real Madrid kaga takhalustay Real Valladolid.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More