Manchester United oo heshiis cusub qalinka ku duugtay

Manchester United ayaa ku abaal marisay weeraryahanka reer Uruguay Edinson Cavani heshiis cusub oo ay kula soo wareegeen si xor ah xagaagii.

Halyeeyga reer Uruguay ayaa durbaba u saxiixay United heshiis hal sano ah ka dib dhamaadka qandaraaskiisa PSG, laakiin Manchester United ayaa go’aansatay inaysan ku sii deyn Old Trafford dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Cavani ayaa dhaliyay goolka guusha ee kooxaha Everton iyo Southampton wuxuuna Red Devils u diray semi-finalka EFL Cup.

Manchester United ayaa u soo bandhigtay hal sano oo dheeri ah oo ku kordhinaya qandaraaskiisa kaasoo ku sii hayn doona Old Trafford ilaa 2022.

34 jirkaan ayaa bishii Febraayo wacdaro ka dhigay United waqtiga kooban ee uu ciyaaray ilaa iyo haatan, sida laga soo xigtay Daily Star, wuxuu haatan qalinka ku duugay sanad kale.

Ed Woodward ayaa lagu soo waramayaa inuu la hadlay Cavani isla markaana wuxuu ogolaaday inuu qandaraaska u kordhiyo hal sano ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Edinson Cavani, oo qaata Manchester United isbuucii 210,000, ayaa amaan kala dul dhacay tababare Ole Gunnar Solskjær, kaasoo aad ula dhacay kooxda tan iyo markii uu yimid: “Weli waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka.

“Xaqiiqdii waa ciyaaryahan kooxda koowaad ah. Waxba kuma sharixi kartid ciyaartoydan oo kale wax kale. Waxaan heysanaa ciyaartoy badan oo kooxda koowaad ah. Waxaa jira in ka badan 11, waana tan ka jirta Manchester United.”

Edinson Cavani ayaa kursiga keydka fadhiya Marcus Rashford iyo Anthony Martial, iyadoo Mason Greenwood uu u tartamayo kooxda koowaad ee Solskjaer.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More