Skip to content
Tuesday, August 25, 2026 11 Rabi al-Awwal 1448 AH Maghrib 18:05
Muqdisho 26°C
Breaking: Somalia’s child hunger crisis worsens as aid cuts force facilities to close, UNICEF says
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Waare oo qorsheeyay howlgal lagu sugayo Shabeelaha Dhexe

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Waare-oo-qorsheeyay-howlgal-lagu-sugayo-Shabeelaha-Dhexe

Hogaamiyaha DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qorsheeyay howlgal lagu sugayo ammaanka Magaalada Jowhar, Deegaannada duleedkeeda ah iyo wadada isku xirta Muqdisho iyo xarunta maamulkiisa.

Muqdisho ayuu ka bilaabay taageero u raadinta howlgalka lagu sugayo ammaanka Jowhar, waxaana uu la kulmay saraakiil Ciidan oo uu ugu darajo sareeyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage.

- Advertisement -

Waxa uu u yeeray saraakiisha Militariga ee qaabilsan Gobollada Shabeelaha Dhexe & Hiiraan oo dhismaha maamulkaan ka kooban, si ay usoo bandhigaan waxyaabaha ay u baahan yihiin in laga gacansiiyo.

Maxamed Cabdi Waare ayaa u bandhigay Saraakiisha dhanka Ciidanka ah ee uu kala hadlay sugidda amniga Magaalada Jowhar iyo Gobolka Shabeelaha Dhexe oo culeys militari Al-Shabaab Saartay.

Walwalka dhanka Amniga ayaa dhashay, kadib markii Jowhar lagu dilay labo Xildhibaan, sidoo kale katirsanaa Wasiirada Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, dhowr jeer Bam gacmeed ayaa lagu tuuray saldhigyo ciidan iyo qaraxyo Miino oo loo dhigay mas’uuliyiin.

Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa wadajir u sheegay in Al-Shabaab dagaalyahanoodii ugu badnaa ee ka joogay Gobolka Shabeelaha Hoose isugu geysay Shabeelaha Dhexe, kadib weeraro & howlgal joogto ah oo culeys ku noqday.

Axadle