Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool vs Ajax – Alisson Oo Ka Maqan

Liverpool ayaa caawa garoonkeeda Anfield waxay kula ciyaareysaa Ajax kulanka shanaad ee Group D iyagoo u baahan guul ama barbaro si ay u xaqiijistaan u soo bixitaankooda wareega 16ka Champions League.

Reds ayaa guuldarro xanuun badan ay isbuucii hore ka soo gaartay kooxda Atalanta taasoo dib u dhigtay u soo bixitaankooda wareega xiga.

Liverpool ayaa leh 9 dhibcood iyagoo hogaaminaya Group D waxay labo dhibcood ka sareeyaan kooxaha Ajax iyo Atalanta oo 7 dhibcood leh.

Tababare Jurgen Klopp ayaa waxaa ka maqan goolhaye Alisson oo ku seegaya kulankaan dhaawac isagoo xanuun ka dareemaya muruqa lugta waxaa bedelkiisa ku soo bilowday goolhayaha seddexaad Kelleher.

Matip iyo Fabinho ayaa ka ciyaara boosaska daafaca dhexe halka Williams uu weli buuxinayo booska Trent Alexander-Arnold halka Robertson uu ka ciyaarayo booskiisa daafaca bidix.

Kabtan Henderson ayaa ku soo bilowday kulankaan isagoo khadka dhexe ka garab ciyaaraya Wijnaldum iyo da’ yarka Jones.

Firmino ayaa keyd la geliyay kulankaan iyadoo Jota uu ka garab ciyaarayo Mohamed Salah iyo Sadio Mane.

Shaxda Liverpool: Kelleher; Williams, Matip, Fabinho, Robertson; Henderson, Wijnaldum, Jones; Diogo Jota, Mohamed Salah, Sadio Mane

Keyd: Adrian, Jaros, Firmino, Minamino, Tsimikas, Origi, R.Williams, Clarckson

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More