Browsing

Audio

Sanbaloolshe oo bixiyey xog aan horey loo ogeyn oo ku saaban…

Muqdisho (Axadle) – Taliyihii hore ee Nabad-sugida, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi siiyey idaacada VOA-da ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Dr. Tahliil Faarax oo la’layahay muddo ku siman 18-maalmood. Sanbaloolshe ayaa sheegay in Ikraan Tahliil ay kusoo biirtay NISA xiligii uu madaxda ka ahaa, oo asaga uu gacantiisa ku qoray, islamarkaana ay aheyd xubin fir-fircoon oo ka tirsan hay’addaas. Waxa uu sheegay in tuhunka maqnaanshaha Ikraan marka uu dhinac kasta ka eegay uu ku aroorayo hay’adda Nabad-sugida…

Dhageyso: Dhallinyaradii loo qaaday Eritrea oo la hadlay VOA…

Muqdisho (Axadle) – Barnaamijkii Bandhigga VOA ayaa waxaa toddobaadkan lagu soo qaatay qaar kamid ah dhalinyaradii kal hore Askarnimada loogu qaaday dalka Eritrea, oo xiligan wajahaya xaalada halis ah. Qaar kamid ah dhalinyaradaas oo lagu wareystay barnaamijka ayaa ka sheekeyay xaalad nololeed oo aad u liidata oo ku haysata xeryaha lagu hayo, halka qaarkood ay ku dhinteen. Waxay sheegen in qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, oo dhalinyarada qaarkood ay ku indho-beelen, halka kuwa kale aysan helin wax daryeel…

Gen. Biixi oo sheegay xilliga dalka lagu soo celin doono dha…

Muqdisho (Axadle) – Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo wax laga weydiiyey arrinta dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ee warkooda lala’yahay ayaa sheegay in dhalinyaradaas iyo kuwo tababar u jira dalal kale oo caalamka ah dib loo soo celin doono markii ay soo dhameystaan tababarrada u socda. Taliyaha oo u waramay Radio Muqdisho ayaa ka meermeeray inuu si toos ah uga warbixiyo dhalinyarada la weysan yahay ee dowladdu u qaaday dalka Eritrea, balse waxa uu si…

Wareysi: Qoor Qoor oo ka warbixinaya go’aanka lagu diiday muddo kordhinta – Axadle

Muqdisho (Axadle) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sharaxaad ka bixiyay go’aankii maanta ay gaareen Galmudug iyo HirShabeelle ee ay kaga soo horjeesteen mudo kororsiga dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in mowqifka Galmudug uu yahay mid horey u cadaa isla markaana uu horay u sheegay inuusan ogolaan doonin waqti kordhin. Qoor Qoor oo wareysi siiyay idaacada VOA ayaa mar wax laga weydiiyay sababta aysan horay uga soo horjeedin muddo kordhinta wuxuu sheegay inay ka wada hadleen oo ay la…

Deni oo ka hadlay fashilka shirka Afisyoone – Wareysi

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa eedeyntii ugu timid dowladda federaalka ku tilmaamay mar-marsiiyo ay horay tuhunkeeda u qabeen, balse mas’uuliyadda burburka ku yimid shirkaas aysan cidna la wadaageyn madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in muuqaalkii ay maanta xukuumaddu sii deysay ee wasiir Dubbe uu ku sheegay in Puntland iyo Jubbaland uu shirku ka socon waayey uu yahay mid horay lavatory sii diyaarsaday, islamarkaana ay dowladda federaalku horay ugu…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More