Kenya oo billowday wadahadallo ay Soomaaliya uga dhaadhicineyso inay ka tanaasusho musharaxnimadeeda Midowga Afrika
Arbaco, May, 8, 2024 (AX) - Kenya ayaa billowday wadahadallo ay Soomaaliya uga dhaadhicineyso inay ka tanaasusho musharaxnimadeeda guddiga Midowga Afrika, si ay Soomaaliya u taageerto Raila Odinga oo Kenya u sharraxan.Kenya ayaa mowqifkeeda si cad ugu sheegtay, intii lagu guda jiray kulan Talaadadii May 7, dhexmaray Hogaamiye ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua, iyo raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare oo ku sugan Nairobi.Kenya waxa ay sheegtay inay u ololeyneyso in Soomaaliya ay la baxdo musharaxeeda Fawzia Xaaji…