Xukumadda Soomaaliya oo beenisay in dad rayid ah lala beegsaday duqeymo ay geysteen diyaaradaha Turkigu
Arbaco, May, 8, 2024 (AX) - Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin wax khasaare oo dad rayid ah oo ka dhashay duqeymo ah ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga.Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya oo ka jawabayay warbixin kasoo baxday hay’adda udoodda xaquuqda Aadanaha ee Amnesty, ayaa sheegay in aanay dawladdu hayn xog dad rayida oo wax ku noqday hawgallada ay ku jirto ee ka dhanka ah Al-shabaab.‘’Hawgallada dabcan ay ciidamadu ku jiraan waddanka oo dhan ayay ka socdaan, annagu waxa aan…