Rouhani:- Iran ‘aad ayey ugu faraxsan tahay’ in ay aragto

In kasta oo Iran aysan “ku faraxsaneyn” Joe Biden inuu la wareego Aqalka Cad, haddana “aad bay ugu faraxsanahay” inaan arko dhammaadka xukunkii Donald Trump ee Mareykanka, ayuu yiri Hogaamiyaha Iran Hassan Rouhani.

Isagoo khudbad ka jeedinaayay telefishanka kulan ay yeesheen golaha wasiirada Arbacadii, Rouhani wuxuu Trump ugu yeeray qofka  ugu”anshax xumo” iyo “sharci jabinta badan Mareykanka”

“Aad ugama faraxsani imaatinka Biden, laakiin waxaan aad ugu faraxsanahay tagitaanka Trump,” ayuu yiri Rouhani.

“Qofka gaystay xasuuq badan, oo ahaa dilaa, argagixisada, oo aan xitaa dadaalkeena ugu turin talaalka Covid-19. Tani waa sababta marka uusan qofku lahayn dhammaan anshaxa iyo mabaadi’da aadanaha. ”

Iran waxa ay la tacaaleysa cudurka ugu weyn uguna dhimashada badan aduunka ee COVID-19 ee ka dilaacay Bariga Dhexe iyo guud ahaan caalamka.

Waxa ay ku adkaysanaysaa in maamulka Trump uu si firfircoon isugu dayayay inuu ka hor istaago Iran in ay soo iibsado tallaal conavirus iyada oo maraykanku cadaadis saarayo ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Tramp ayaa saaray Iraan cunaqabatay Iran sanadkii 2018 ka dib markii uu si iskiis ah uga baxay heshiis sanadkii 2015 ay wada galeen Iran iyo quwadaha aduunka.

Biden wuxuu balan qaaday inuu Mareykanka ku soo celin doono heshiiska isla markaana cunaqabateynta laga qaadi doono hadii Iiraan ay fuliso shuruudihiisa laakiin sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahan yahay wadaxaajood si wax looga qabto barnaamijka gantaalada Iran iyo howlaha gobolka, waana waxa Iran aadka u diido.

‘Iiraan waxa ay hadda ka awood badan tahay 2015’

Rouhani ayaa sidoo kale ka jawaabey waxa uu ugu yeeray sheegashooyinka warbaahinta dibada iyo kuwa maxalliga ah ee sheegaya in xaaladaha Iran ay ka duwan tahay tii 2015 ee wada xaajoodka maadaama wadanka uu saaran yahay cadaadis badan.

Hogaamiyaha ayaa ogolaaday in xaaladuhu ay ka duwantahay sidii hore laakiin wuxuu intaa raaciyay in ay Iran ka doorbidayaan imminka sidii ay ahaan jireen markii heshiiskii nukliyeerka la dhameystirayay

Rouhani ayaa intaas ku daray in Iiraan ay soo dejin jirtay batrool, shidaal, gaaska dabiiciga ah, qamadi iyo waxyaabo kale sanadkii 2015, laakiin hadda ay iyagu dhoofiyaan.

“Awoodeena maanta xitaa lama barbar dhigi karo waqtigaas,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in gantaalada Iran, militariga iyo barnaamijyada nukliyeerka ay noqdeen kuwo awood badan leh.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More