Browsing Category

Somalia

Muxuu yahay u jeedka socdaalka Rooble galabta ku gaaray

Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Hogaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkiisa. Raysul Wasaare Rooble ayaa la filayaa inuu safar dhinaca dhulka ah ku tago Gaalkacyo, waxaana ka hor inta aanu aadin Gaalkacyo uu xarigga ka jari doonaa Xarunta cusub ee Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb iyo dhismayaasha Xarumaha Wasaaraddaha…

Maxay kawada hadleen Hogaamiyaha Kenya & Muuse Biixi? –

Magaalada Nairobi waxaa ku kulmay Hogaamiyaha Kenya Uhuru Kenyatta & Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi oo shalay gaaray Magaaladaas, si ay uga wada hadlaan arrimo dhowr ah. Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Gobaladda Waqooyi ayaa lagu sheegay in qodobada labada dhinac ay kawada xaajoodeyn ay kala yihiin: Danaha Kenya & Gobaladda Waqooyi, in kulan kale ay yeeshaan Berri oo Talaado ah 15-ka December 2020 & dhammeystirka qodobo qabyo u ah. Wafdiga…

RW Rooble oo Garoowe ka baxaya isaga oo aan guul ka gaarin

Raysul wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo Magaalada Garoowe tagay 11-kii December 2020 kuna beegan Jimcihii ayaa ku guuldareystay ka gungaaridda go’aamada Siyaasadeed eek u dhaliyay safarkiisa. Rooble oo damacsanaa in Hogaamiye Siciid Cabdullaahi Deni uu kasoo dabciyo halka uu ka istaagay soo xulista guddiga Doorashada 20/21 ku metalaya Puntland si loo dhaqangeliyo heshiiska hogaamiyayaasha heer Federaal & heer Dowlad Goboleedyada ee 1-da October 2020. Raysul Wasaaraha…

Ciidamada AMISOM oo Dad rayid ah ku toogtay Magaalada

Sawir hore Ciidamada Burunid ee howlgalka AMISOM Ciidamada Burundi ee Soomaaliya ku jooga howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qarax saakay loo dhigay Xaafadda Jamhuuriya Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac. Askarta ayaa qaraxa kadib furtay rasaas dhowr xaafado kala duwan gaartay, waxaana dhintay in la xaqiijiyay 5-ruux, halka dhaawac uu gaaray 9-kale, dhammaantood waa shacab sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan. Qaar kamid…

“Soomaaliya waxa ay muhiim u tahay Madasha Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuryadda Shacabka Shiinaha ee Qin Jian oo Wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Dowladda ayaa ka hadlay xiriirka Xukuumadaha Muqdisho & Beijing, heerarka kala wan uu soo maray iyo muhiimadda maalgashiga Afrika. Qian Jian ayaa sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay Saaaxiibada ugu wanaagsan ee  Qaaradda Afrika, Shirka Shiinaha ee maalgashiga waxa ay lasoo shir-tagtay fursado la maalgashhan karo oo aad usoo jiitay. “Soomaaliya waxa ay muhiim u tahay maalgashiga…

Kenya oo sheegtay in Ayax uga Gudbay Soomaaliya & Itoobiya

Kenya ayaa sheegtay in Ayax ka gudbay Soomaaliya & Itoobiya uu dhibaato ku hayo 9-Ismaamul Goboleed, saameynta ugu badan waxa uu ku reebay dhul daaqsimeed baaxadweyn & beero kala duwan. Ismaamulada sagaalka ah ay Kenya sheegtay in uu gaaray Ayaxa waxaa ka timid Cabasho xooggan oo dadka deegaanka ah, waxa ay kala yihiin: 1-Wajeer, 2-Gaarisa, 3-Tana River, 4-Kiliifi, 5-Lamu, 6-Mombaasa, 7-Taita 8-Taveta, Kitui and 9-Marsabit. Ayaxa ayaa marka uu dhirta ku dul-dego waxa uu…

RW Rooble, Garoowe ma guul buu kala tagayaa mise Niyad jab?

Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa dhowr jeer ku guuldareystay in Hogaamiyaha & ku xigeenka DG Puntland uu ku qanciyo bilaa shuruud in ay soo gudbiyaan Guddiga ku metalaya Doorashada 20/21, balse hamigaas ayaa guul-dareystay kadib markii la hordhigay Shuruudo kala duwan. Rooble ayaa Hoygooda ugu tagay Hogaamiyayaasha Isimada & Ururada Bulshada Rayidka si ugu yaraan uu garab uga helo si uu u gudbo gidaarka siyaasadeed ee ku…

Ciidamada AMISOM oo qarax loo dhigay & rasaas ay fureen oo

Sawir hore Ciidamada Burundi ee Soomaaliya ku jooga holwgalka Ururka Midowga Afrika AMISOM ayaa saakay qarax loo dhigay wadada u dhaxeysa Jamhuuriya Masjidka Turkiga Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa Miino jidka la geliyay ayaa ku qaraxday kolonyo Gaadiid Militari oo ay wateen Askarta Burundi oo si maalinle ah isaga kala gudba Xero Maslax & Xarunta Xalane oo ah Saldhiggooda ugu weyn sida Axadle ay u xaqiijiyeen ilo amni. Askarta AMISOM ayaa qaraxa kadib…

Hogaamiye Farmaajo muxuu kala hadlay Guddoonka Baarlamaanka

Hogaamiyaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan Muqdisho kula qaatay Guddoonka Baarlamaanka & Xidhibaannada DG Galmudug oo ku sugan Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Raysul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Maxamed Nuur Gacal, ku xigeenka 1-aad Cabdullaahi Xirsi Maxamed, ku xigeenka 2-aad Faadumo Cabdi Cali & Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed…

IGAD oo muddeysay dhageysiga Dacwad Soomaaliya ay ka

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Dacwad Dowladda Federaalka ay ka gudbisay Kenya la dhageysanayo 6-Cishe kadib oo ku beegan 20-ka December 2020 Axadda Todobaadka soo socda. Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in Jabuuti ay qabaneyso kulanka lagu dhageysanayo Gal dacweedka Xukuumadda Soomaaliya ay ka gudbisay dhiggeeda Kenya. “Iyadoo laga jawaabayo dhambaalka ka dhanka Kenya ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay…