Ciidamada AMISOM oo qarax loo dhigay & rasaas ay fureen oo
Sawir hore
Ciidamada Burundi ee Soomaaliya ku jooga holwgalka Ururka Midowga Afrika AMISOM ayaa saakay qarax loo dhigay wadada u dhaxeysa Jamhuuriya Masjidka Turkiga Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ahaa Miino jidka la geliyay ayaa ku qaraxday kolonyo Gaadiid Militari oo ay wateen Askarta Burundi oo si maalinle ah isaga kala gudba Xero Maslax & Xarunta Xalane oo ah Saldhiggooda ugu weyn sida Axadle ay u xaqiijiyeen ilo amni.
Askarta AMISOM ayaa qaraxa kadib ridday Rasaas qaarkood ah Qoryaha loo yaqaan Dhashiikaha ee ku xiran Gawaarida waaweyn & Daba-jeexa (Qoriga nuuca Siliska leh) iyo hubka fud-fudud.
Rasaasta ay rideen Askarta AMISOM ayaa dhaawacyo gaaray qaar kamid ah dadka goobta ka dhaw sida Axadle ay u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka, inkasta tiro koob lagu wado dadka waxyeeladu gaartay.
Waa qaraxii labaad oo isla wadadaas loo geliyo Ciidamada Burundi oo rasaas ay fureen waxyeelo ku gaartay dad rayid ah muddo bil ka yar, dhacdadaan middii ka horeysay ayaa dhacday 18-kii November 2020.
Ciidamada Burundi ayaa joojiyay safarka wadada isku xirta Fagax & Hoteel Ramadaan, maadaama biyaha roobka ay jaraan jidkaas, taas badalkeed waxa ay ka wareegsadaan xaafadaha u dhaxeeya Hiliwaa & Kaaraan.
Ciidanka AMISOM oo furay rasaas Dhimasho & Dhaawac u geysatay Dad Shacab ah!
Axadle.