IGAD oo muddeysay dhageysiga Dacwad Soomaaliya ay ka
Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Dacwad Dowladda Federaalka ay ka gudbisay Kenya la dhageysanayo 6-Cishe kadib oo ku beegan 20-ka December 2020 Axadda Todobaadka soo socda.
Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in Jabuuti ay qabaneyso kulanka lagu dhageysanayo Gal dacweedka Xukuumadda Soomaaliya ay ka gudbisay dhiggeeda Kenya.
“Iyadoo laga jawaabayo dhambaalka ka dhanka Kenya ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Mudane Cabdalla Xamduuk, Raysul wasaaraha Jamhuuriyadda Sudan ahna Shir-guddoonka Hogaamiyayaasha Dowladaha iyo Xukuumadaha IGAD, ayaa Urur goboleedka IGAD waxa uu shir madaxeed ay ka qeybgalayaan Hogaamiyayaasha Dowladaha iyo Xukuumadaha oo arrinkan looga hadli doono ku qabanayaa Dalka Jabuuti 20 bishan December” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Xiriirka Soomaaliya & Kenya ayaa gaaray meel hoose, Dowladda Federaalka ayaa gudbisay dacwad ka dhan ah Xukuumadda Nairobi, kadib markii ay ku eedeysay faragelinta madax bannaanida Soomaaliya & ku xad-gudubka amar ay soosaartay.
Kenya ayaa ka dhega-fureysatay in ay joojiso faragelinta siyaasadeed ay ku sameyneyso Soomaaliya, taasi waxa ay sababtay in Danjire Tarsan Dowladdu ay u yeerto, halka Lucas Tumbo wadatashi loogu celiyay dalkiisa.
Haddaba, IGAD maku guuleysan kartaa dib usoo celiso xiriirka Soomaaliya & Kenya oo aad hoos ugu dhacay?
Axadle.