Madaxda DFS iyo DG oo maanta kulmay

Magaaladda Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah ka furmaya shirka madaxda Dowladda Faderaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday, Dowlad-goboleedyada & Gobolka Banaadir ayaa ku ballansan fadhiga ka qabsoomaya Teendhada Afisiyooni oo kamid ah xeebdaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Kulanka maanta waxaa shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya kadib markii Wakiilada Beesha Caalamka oo ay hormuud u yihiin Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya & Danjiraha Mareykanka ee Dalkaan Donald Yamamota ay ku guuleysteen in caasimadda ay isugu keenaan dhammaan dhinacyada saxiixay heshiskii 17-kii September 2020.

Ujeedka ayaa ah in xal laga gaaro caqabadaha hortaagan dhaqangalka heshiiska siyaasadeed ee xalka looga dhigay badalka doorasho qof & cod ah oo ay ku guuldareystay Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkaan waa uu ka duwan yahay kulamadii hore sababta ayaa ah in garwadeyn ay ka tahay Beesha Caalamka, James Swan Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud Qaramada Midoobay oo dhawaan la hadlay VOA ayaa sheegay in aan Madaxda Soomaalida laga aqbali doonin kala tag & muran sababa in uu socon-waayo wada-xaajoodka.

Madax Goboleedyada ayaa labo dhinac u kala jabay, waxaana ay kala galeen laba qaanadood sida: Puntland & Jubbaland oo la xulufoobay Musharixiinta iyo shaqsiyaadka kale ee diiddan sida ay wax u waddo Madaxtooyada Soomaaliya.

Hir-Shabeelle, Galmudug, Koofur Galbeed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la safan Villa Somalia, waana tan keentay in ay u dhega furnaadaan talooyinka, amarrada & soo jeedinta kasoo yeerta Madaxtooyada Soomaaliya u dhega-furnaadaan.

Shirka Maanta ka furmaya Teendhada Afisiyooni muxuu uga duwan yahay kulamadii hore?

Waa su’aasha ugu badan ay is weydiinayaan dadka waaya-joogga u ahaa ama la socday kulamadii taxaranaha ayaa ee lagu kala qabtay Muqdisho & Dhuusamareeb oo aan laga gaarin natiijooyin gaarsiisan halka loo socday oo ah in Doorashooyinka ay ku qabsoomaan waqtigooda si aysan u dhicin is jiid-jiid siyaasadeed & kala tagga dhinacyada ka muuqda saaxada.

Sidda ay Axadle ogaatay, diblumaasiyiinta beesha caalamka ayaa ku wargelisay madaxda Faderaalka & Dowlad-goboleedyada in ay ka gayb galaan shirka iyada oo ay la socdaan illaalada gaar ah ee aan hubaysnayn, Gaadiidka & hubka culus ee garbaha laga tuuro.

Amniga Goobta waxaa si rasmi ah ula wareegay ciidanka Midowga Afrika ka socda maadaama ay ka baxsanyihiin dhinacyada is haya, isla markaana mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay ilaalinta xeendaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo qoraal ku daabacdey barta ay ku leedahay mareegaha Twitter-ka ayaa mar sii horeysay waxa ay ku amartay madaxda Soomaalida in ay kusii negaadaan Muqdisho inta ay heshiis kama dambeys ah ka gaaraan doorashooyinka, taasi waxa ay muujineysaa in aysan Beesha Caalamka aqbali doonin kala tag & Geed ku dheg dambe oo waqti kale lagu dhumiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More