Liibiya oo laga qaaday Tahriibayaal kasoo kala jeeda

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee (UNHCR) ayaa sheegtay in ay Dalka Liibiya ka qaaday dad gaaraya 79-ruux oo ay geysay Waddanka Rwanda oo isla qaaraddaan Afrika ah.

Afhayeen u hadlay Hay’adda ayaa sheegay in dadkaan oo la qaaday Khamiistii in laga dejiyay Garoonka Diyaaradaha Rwanda, sababtu waa in la badbaadiyo nolosha shaqsiyaadkaan Liibiya u tagay in ay ka tahriibaan.

Hay’adda ayaa sheegtay in Xayiraadda Covid-19 ay saameysay isu socodka sahlanaa ee dadka oo hadda dhibaatada ugu weyn ay tahay in baaris caafimaad & karaantiil la gelinayo si uusan cudurku usii gudbin.

Dadka la qaaday oo Rag & Dumar ah waxaa qayb ka ahaa Carruur, dhalashada dalalka ay kasoo jeedaan ayaa lagu kala sheegay Eretareeya, Suudaan & Soomaaliya, waxa ay ku sugnaayeen Magaalada Tripoli iyo meelo kale.

Babar Baloch oo ah Afhayeenka Hay’adda UNHCR ayaa sheegay in xaaladda Liibiya in ay qiimeynayaan, maadaama Ajaanibta ku sugan hamigoodu yahay in ay kasii tahriibaan si ay u gaaraan Qaaradda Yurub.

Liibiya ayaa qas iyo jaho wareer gashay sanadkii 2011-kii, kadib markii kacdoonkii Guga Carabta uu saameeyay Nidaamkii Hoggaamiyihii dalkaas ugu xil heynta dheeraa ee Mucammar Al-Qadaafi oo markii dambe ku baxay gacanta NATO.

Kumanaan Ruux ayaa Liibiya u tagta in ay kasii tahriibaan si ay u gaaraan qaaradda Yurub iyaga oo ka gudbaya biyaha u dhaxeeya Dalkaas & Talyaaniga, labadii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa dib loo celiyay Tahriibayaal la rogmatay Doomaha ay saarnaayeen.

Isha: CGTN  /  Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More