Hay’adda dembi-baarista Soomaaliya oo xirtay afhayeenkii hore ee Galmudug

Hay’adda Dambi baarista Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka soo saartay maanta warqad u yeeris ah oo ku socotay  Afhayeenkii hore ee Maamulka Galmudug Cabdullahi Xaashi Faarax.

Cabdullahi ayaa maalma ka hor sheegay in Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay ku xireen Muqdisho,isaga oo xusay in ay ka qaadeen Sawirro aan anshax ahaan wanaagsaneyn.

Waxaa uu sheegay in lagu heystay farriin uu boggiisa Facebook,  ku qoray taas oo uu uga hadlay  siideynta Cabdikariin Sh. Muuse (Qalbi-dhagax),Ciidanka qabtayna ay ugu hanjabeen in sawirrada ay ka qaadeen ay Baraha Bulshada gelin doonaan haddii farriimo liddi ku ah Hogaamiye iyo Ra’isalwasaarah uu dib u daabaco.

Wararku waxaa ay sheegayaan in laga qabtay Hotelka Afrik ee Magaalada Muqdisho oo u dhow Xarunta Dambi  baarista.

Warqadda hay’adda Dembiraasita Soomaaliya ayaa lagu faray in dhammaan dadka ay quseyso in ay fuliyaan amarka u yeeridda iyo xarigga Cabdullahi

Cabdullahi waxaa uu sheegay in uu yahay Afhayeenka Maamulka Galmudug ee hadda,hayeeshee war ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in Cabdullahi xilkaas laga qaaday Bishii February 2018.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More