DFS, Dowlad Goboleedyada & Al-Shabaab oo ka hadlay Qaraxii

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay qarax uu fuliyay qof isku soo xiray Walxaha qarxa oo casir-liiqii shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta DG Galmudug xili dadkaas uu lagu waday in  uu la hadlo Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsiyeen kadib shacabka ka dalbaday in ay iskaashadaan si wax looga qabto qaraxyada & weerarada ay ku dhimanayaan dadka muhiimka u ah.

“Dhammaan dadkii ku dhintay qaraxaas Alle ha ugu deeqo naxariista jano, waxa aan cambaareynayaa falkaas argagixiso, marnaba nama niyad-jebineyso, waxa aan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay u midoobaan la dagaalanka Cadawgaan u diidan nabadda & horumarka” Sidaasi waxaa yiri RW Maxamed Xuseen Rooble.

Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa dhankiisa sheegay in saraakiisha dhimatay ay naftooda u waayeen u adeegista qaranka, sidaas awgeed loo baahan yahay in lagu tusaale qaato.

Qoor-Qoor ayaa xalka keliya ee looga gudbi karo beegsiga uu yahay in ay midoobaan shacabka & laamaha ammaanka si iskaashigooda uu u dhaliyo qorshe si dhab ah wax uga badala weerarada ay geystaan sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Hogaamiyaha DG Galmudug ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in uu jawaab degdeg ah ka bixiyo weerarkaas lagu dilay saraakiisha & shacabka ee ka dhacay Gobolka Mudug.

“Nama baqdin gelin kartaan, nagamana leexin kartaan jidka aan ku socono, falka xun ay geysatay Argagixisada waxa uu nagu dhiirigelinayaa in aan wax ka qabanayo waxa ay sameyneyso, waxaana ka qaadeynaa tallaabo degdeg ah” Ayuu yiri Hogaamiyaha DG Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta DG Puntland ayaa dhankiisa sheegay in ka tacsiyeeyay, waxaana uu sheegay in uu gacan ka siinayo maamulkaas ay ku kala qaybsameen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ku dhawaad 40-ruux ayaa ku dhimatay qaraxaas, halka ay dhaawacmeen tiro kale, waxaana kamid ah Taliyihii taliyihii qaybta 21 aad ee CXDS Gen. Cabdicasiis Cabdullaahi  Qooje, Taliyihii Danab qaybta Galmudug Gaashaanle sare Muqtaar Cabdi Aadan, kuxigeenkiisa, Gaashaanle Sare Baaraaf oo ka tirsanaa qaybta 21-aad & Duqii hore ee Gaalkacyo Maxamud Yaasiin Tumey.

Mas’uuliyadda qaraxa waxaa sheegtay Al-Shabaab oo inta badan dusha saarata weeraradaan oo kale.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More