Cabdi Xaashi oo ku biiray shirka midowga Musharixiinta uga

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku biiray shirka maalintii saddexaad Magaalada Muqdisho uga socda Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Hogaamiyaha Soomaaliya.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka dalka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo sidii ay Musharaxiinta u sameeysan lahaayeen Golle is-baheysi oo mid ah.

Sidoo kale Shirka Musharaxiinta ayaa waxaa ku biiray Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Gobaladda Waqooyi, kuwaasi oo qaarkood ay kasoo horjeedan Guddiyada Doorashada ay dowladda magacaawday.

Sida qorshaha uu yahay shirkaan ayaa waxaa la filayaa in bari oo talaadaa la soo gabagabeeyo oo laga soo saaro Warmurtiyeed ay ku cad yihiin qodobadii Musharaxiinta Shirka ay uga hadleen.

Villa Somaliya ayaa walaac xoog leh ka muujinaysa Shirka Musharaxiinta ee Muqdisho ka socda, waxaana sheeda ay kala socota hanaanka shirkaasi.

Musharixiinta ayaa dalbanaya in lagu laabto xubnaha guddiyada doorashada ee ay soo magacaawday xukumadda Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle maadaama lagu eedeeyay in guddiyadooda ay ku jiraan xubno ka tirsan hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More