Axmed Madoobe iyo Donald Yamamoto oo wada jira
Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa ku kulmay xarunta UN-ka ee magaalada Muqdisho.
Kulanka Axmed Madoobe iyo Yamamoto ayaa ku soo beegmaya xilli lagu wado in magaalada Muqdisho ay ku kulmaan hogaamiyayaasha dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada si looga wada hadlo khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.
Madaxtooyada Jubaland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kulankan diirada lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka gaar ahaan xalinta khilaafaadka doorashooyinka.
“Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowlada Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Donald Yamamoto” ayaa lagu yiri qoraalka.
Hogaamiyaha iyo Sairka waxay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo sidii beesha caalamku uga qayb qaadan lahayd doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay oo dalka ka dhacda.
Jubaland ayaa udub dhexaad u ah muranka doorashada, iyadoo qodobka ugu badan ee la isku haysto ay tahay arrinta gobolka Gedo oo Villa Soomaaliya ay dooneyso inay soo xusho.
Axmed Madoobe oo dhawaan soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay xubnaha Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho iyo Golaha Musharaxiinta isagoo kala hadlay qaabkii loo xalin lahaa khilaafka doorashada.
Axmed Maxamed Islaam, ayaa sidoo kale la kulmay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C / laahi.