“Xildhibaanno, Ansixiya Heshiiska Doorashada waa u muhiim Dalka” Md Laftagareen.

Madaxweyne DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa kulan gaar ah la yeeshay Xildhibaannada, Senatarada & Wasiirada ku matala Federaalka Dowlad Goboleedkaas.

Madaxweyne Lafta Gareen & Xildhibaan Jawaari

Kulankaan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho waxa uu usoo bandhigay Xildhibaannada codsi ah in codka ay siiyaan heshiiska Madaxda DFS  & DG ay kala saxiixdeen 17-kii bishaan oo lagu go’aamiyay doorashada dalka.

“Waxa aan idinka codsanayaa in aad aqbashaan heshiiska lagu hagayo xaaladda kala guurka, waa qodobo muhiim u ah dalka oo doorasho ka dhaceyso, maadaama sharcigaan lagu heshiiyay wadatashigii ugu dambeeyay” ayuu yiri Madaxweyne lafta gareen.

Cabdicasiis Lafta gareen ayaa bogaadiyay doorka Xildhibaannada, Sentarada iyo Wasiirada Federalka ee Deegaan Doorashadoodu tahay Koofur Galbeed ku leeyihiin howlaha Geedi socodka dalka.

“Door wanaagsan oo la shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaad ku sifowdeen, Guddoomiyaha Golaha Shacabka & ku xigeenkiisa 1-aad oo ah hoggaanka hay’adda xeer dejinta oo kaalintooda muuqato ayay ku faaneysaa DG KGS” ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Wax culeys ah iyo wax dhib ah ma jiraan, aan uwada duubano sidii dalkaan uu gali lahaa marxalad doorasho, waji furan, walaaltinimo & Saaxiibtinimo kusoo dhawaada, aniga oo saaxiib ah oo xildhibaan hore ah ayaa idinla joogo”.

Fadhiga waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ku xigeenkiisa Koowaad, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Xildhibaan Aadan Madoobe, xubno soo qabtay xilal Wasiiro, ku xigeen iyo Wasiiru Dowlayaal oo dhammaantood kasoo jeeda Deegaannada Koofur Galbeed oo ka kooban Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More