Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle oo Ciidan dheeraad ah u dalbay

Wasiirka Amniga DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo la hadlay VOA ayaa faah-faahiyay howlgalada lagu adkeynayo amniga deegaannada maamulkaas gaar ahaan Magaalada Jowhar.

Wasiir Khayre ayaa sheegay in Bulsho ka badan kuwa haatan kunool Magaalada Jowhar ay tageyso marka ay bilaabato doorashada, arrintaasina ay sababi karto culeys dhanka amniga haddii aan laga sii feejignaan.

Waxa uu dalbaday in la geeyo Ciidamo dheeraad ah oo ka qaybgala sugidda amniga Magaalada Jowhar oo ay isugu tagayaan Ergada Doorashada Xildhibaannada BFS & kan DG Hir-Shabeelle.

Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa sheegay in AMISOM iyo Dowladda Federaalka kala kaashanayaan sugidda amniga oo muhiim u ah kusoo hirashada Xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

“Jowhar waxa ay martigelineysaa labo doorasho oo mid kamid ah lagu soo doorashonayo Xildhibaannada & Senataraa BFS, tan kale waa doorashada Maamulka Hir-Shabeelle oo waqti ahaan kusoo beegantay xaaladdaan” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle.

Waxa uu sheegay in hoggaanka sare ee AMISOM ay ka heystaan caawinaad iyo ballanqaadyo horleh oo lagu sugayo amniga Magaalada Jowhar iyo guud ahaan Gobolka Shabeelaha Dhexe oo culeyska ugu badan Al-Shabaab saartay.

“Marka Magaalooyinka doorashada ay ka dhaceyso waxaa imaanaya bulsho ka badan kuwa kunool, waa loo baahan yahay in la kordhiyo ilaaliyaasha nabadgalyada, musharixiinta qudhooda waa culeys kale, waa in aad ilaalisaa dadka Magaalada, kuwa tagay iyo musharixiintaba” ayuu markale yiri Wasiirka Amniga.

Magaalada jowhar xarunta DG Hir-Shabeelle ayaa martigelineysa Ergada beelaha ee Xildhibaannada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, xili safarka lagu galayo dhanka duullimaadka uu yahay, maadaama waddooyinka Magaalada amnigooda aan la isku haleyn Karin sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan maamulkaas.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More