Shirka Madasha Iskaashiga Soomaliya oo Muqdisho ka furmay,

Raysul Wasaarah XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Barqonimadii maanta furay Shirka Iskaashiga Soomaaliya & Saaxiibada Caalamka oo miiska lasoo dhigay qodobo dhowr ah oo Amniga & Doorashada ugu weyn yihiin.

Waxaa ka qaybgalaya Wakiilo kala duwan sida Ergayga gaarka ah Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada & mas’uuliyiin kala duwan oo lagu martigeliyay.

Swan ayaa ku dheeraaday hamiga doorashada Soomaaliya iyo rajo beelkii ku dhacay Aftida dadweyne 2020 oo ugu dambeyn dib loogu laabtay mid dadban oo lagu soo dhisay Dowladda federaalka 2016/17.

Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Todobaadka soo socda ay Muqdisho isugu imaanayaan Hogaamiyayaasha Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedka si ay uga arrinsadaan arrimaha Doorashada.

Siciid Cabdullaahi Deni Hogaamiyaha DG Puntland ayaa sheegay in maamulkiisa uu waaya-aragnimo dheer ay u leedahay arrimaha Federaalka, maadaama Dowlad Goboleedkii ugu horeeyay ee la dhiso ahayd.

Deni ayaa soo jeediyay in Dowladda Soomaaliya ay kasoo qaado ciidamada ay geystay Gobolka Gedo si doorashada Jubbaland loogu qabto Gobolkaas, maadaama gacanta maamulkaas ay ka maqan tahay.

Halka uu soo jeediyay in Doorashada Gobollada Waqooyi looga dambeeyo Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo Oday siyaasadeed u ah sida uu hadalka u dhigay Hogaamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

La soco qodobada shirkaas.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More