Waa Kuma Geesiga Liverpool Ee Aan Amaanta Badan Helin? Paul

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Paul Scholes ayaa shaaca ka qaaday geesiga aan loo heesin ee kooxda horyaalka difaacanaysa ee Liverpool isaga oo shaqsigaas ku tilmaamay mashiinka khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum.

Marka laga yimaado inay ka maqnaayeen xiddigo muhiim ah sida Virgil Van Dijk, Alisson Becker, Thiago Alcantara iyo Joe Gomez haddana Liverpool ayaa Anfield ku dubatay Wolverhampton oo ay 4-0 ku jiidheen xalay.

Hadalka dhawaanahan lagu sheekaysanayo ayaa ah in kooxaha ree London ee Tottenham iyo Arsenal ay yihiin tartamayaal horyaalka ah balse farriimaha ay Liverpool dirayso ayaa ah kuwo aan meesha laga saari karin.

Goolal ay kala dhaliyeen Mohamed Salah, Georginio Wijnaldum iyo Joel Matip iyo mid uu si qaldan iskaga dhaliyay Nelson Semedo ayaa ka caawiyay Reds inay jiidhaan kooxda tababare Nuno Espirito Santo.

Waxa jira xiddigo badan oo fure u ah Liverpool balse Paul Scholes ayaa doortay Wijnaldum oo uu ku sifeeyay xiddig aan samayn waxyaabo badan oo dhal-dhalaal iyo soo jiidasho leh balse shaqadiisa sida ay tahay u qabsada.

Paul oo Gini ka hadlaya ayaa yidhi “Anigu waan jecelahay waxkasta oo uu isagu sameeyo, si degen ayuu shaqadiisa u qabsadaaa, ma jiro wax soo jiidasho leh oo uu sameeyaa, waxa uu kulanka si fiican ugu daaraa Liverpool, waa cajiib difaacasho ahaan”

“Isagu waxa uu ciyaaraa toddobaad kasta, kulanka kahor ayaynu ka hadalnay tiro ciyaaryahano ah oo cayiman, shan, lix ama toddoba marka aad haysato koox kusoo guuleysatay horyaalka, dhab ahaan waa koox wanaagsan”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More