RW Rooble oo 11-kamid ah 27-ka Wasiir ka dhigay xubnihii

Raysul wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 27-Wasiir, waxaana kasoo muuqday in badan oo kamid ahaa Xukuumaddii Xasan Cali Khayre.

Intooda badan toos ayay usoo laabteen, halka Khadiijo Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii dhalinyarada & Cayaaraha Xukuumaddii Khayre la geeyay Wasaaradda Gargaarka, waxaana booskaas laga soo badalay Xamsa Siciid Xamsa oo loo magacaabay Wasaaradii Khadiijo heysay.

Magacyada Wasiirada sida tooska ah usoo laabtay waxa ay kala yihiin:

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Raysul Wasaare Ku -Xigeen

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wassaaradda Maaliyada

Axmed Ciise Cawad Wasaarrada Arrimaha Dib iyo Iskaashiga Caalamiga ah

Maryan Aweys Jaamac, Wasaarrada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Jamaal Maxamed Xassan, Wasaarrada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta

Saalax Axmed Jaamac, Wasaarrada Arrimaha Dastuurka

Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar), Wasaarrada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka

Saciid Xuseen Ciid, Wasaarrada Beeraha iyo Waraabka

Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasaarrada Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

Xamze Saciid Xamze Wasaarrada Dhalinyarada iyo Isboortiga.

Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasaarrada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

Raysul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa u dhiman in uu u gudbiyo Golaha Shacabka BFS oo kalsooni siintooda ku shaqo geli karto xukuumadda uu dishay Wasiirka Koowaad ee dalka.

Dadka qaar ayaa su’aalo ka keenay waxyaabaha ay soo kordhin karaan Wasiirada dib usoo laabtay, maadaama laanta xeer dejinta kalsooni kala laabashadii Xukuumaddii Raysul Wasaarihii 19-aad ee Soomaaliya soo maray ku sheegtay mid ku fashilantay waxyaabaha laga sugayay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More