Puntland oo ku eedeysay Wasiirka Qorsheynta DFS in

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa ku eedeeyay Wasiirka Qorshaynta iyo hormarinta caalamiga ah Jamaal Maxamed Xasan in uu ka dambeeyo banaanbaxyo rabshado watay oo ka dhacay degmadda Dhahar ee gobolka Sanaag.

Af-hayeenka xukuumadda Puntland, Jaamac Deperani, ayaa sheegay in bannaanbaxa ka dhacay magaalada Dhahar ay abaabulkiisa lahaayeen madaxweyne Farmaajo iyo wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Jaamac Dabaraani, ayaa sheegay in wasiir Jamaal uu doonayay in ay fowda ka bilaabo degmada Dhahar, balse aysan ku guulaysan tallaabadaas, islamarkaana bannaanbaxii Dhahar aysan cidna khasaare ka soo gaarin.

Sidoo kale, wuxu beeniyay in ciidamada Puntland ay xoog iyo xabbad u adeegsadeen joojinta bannaanbaxa, isagoo tilmaamay in Ciidanku ay sugayeen Amniga shacabka ku bannaanbaxay magaalada Dhahar.

“Hogaamiye Farmaajo iyo Jamaal waxaad u abaabusheen banaabaxa si aad fowdo uga kicisaan Dhahar, Laakiin sida rabteen ma noqon, cidna kuma dhiman cidna kuma dhaawacmin nabad ayuu ku dhammaaday Ciidamaduna amniga ayeey sugeen” ayaa yiri Afhayeenka madaxtooyada Puntland Dabaraani.

Wasiir Jamaal oo iska fogaynaya eeda in uu abaabulay abanaabaxa ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay hubka culus iyo rasaas nool-nool u adeegsadeen shacab bannaanbax nabdoon ka samaynayay magaalada Dhahar.

Wasiirka oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in shacab bannaanbax nabdoon samaynaya loo adeegsado hubka culus iyo Rasaas nool-nool.

Waxa uu intaasi ku daray in ay waajibtahay in madaxweyne Deni is toos ah loogula xisaabtamo falkan, waxaase xusid mudan in Puntland ay beenisay warka ku saabsan in xabbad loo adeegsaday shacabka Dhahar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More