Maxaa looga hadlay kulanka hogaamiyayaasha warbaahinta madaxa-banaan

Ururadda Safaaxada madax-banaan ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbacaa ka qayb galay shirka maalintii 5 aad magaaladda Muqdisho ugu socda midowga Musharixiinta kaas oo diirada lagu saarayo arimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo tabashada ay qabaan musharixiinta xildoonka ah.

Kulan qaatay in badan labo saac oo dhexmaray warbaahinta Madaxa-banaan iyo Musharixiinta ayaa looga hadlay arimaha doorashooyinta iyada oo barbaahinta ay musharixiinta u gubiyeen talooyinkooda ku aadan doorashooyinka dalka iyo sidii ay ugu dhici laheed qaab xasiloon iyo nabad-galyo ah.

Mushaxiinta ayaa dhankooda hogaamiyayaasha warbaahinta madaxa-banaan u gubiyay waxyaabaha ay ka cabayaan ee la xiriira doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan guddiyada ay soo magacaawday Xukumadda Soomaaliya oo musharixiintu u arkaan in ay hiyiin saraakiil ka tirsan laamaha amaanka Soomaaliya.

Markii kulanku soo dhamaaday Waxaa warhaahinta si wadajir ah ula hadlay Afhayeenka midowga Musharixiinta Ridwaan Xirsi Maxamed iyo Gudoomiyaha Warbaahinta Axadle Axmed Ciise Guutaale oo ku hadlayay afka warbaahinta Madaxa-banaan ee xaadirtay kulankii maanta dhexmaray Warbaahinta iyo midowga Musharixiinta.

“Maanta warbaahinta madaxa banaan waxaa u yeeray Midowga Musharixiinta ee doorashooyinka 2020/2021oo 5-tii bari ee ugu dambeeyay halkaan shir ku lahaa iyaga iyo gudoonka baarlamaan labada aqalba iyo siyaasiinta kale ee dowladda xilka ka hayaba” ayuu yiri Axmed Ciise Guutaale oo hadlayay Afka warbaahinta madaxa-banaan.

“Saxaafadda madaxa banaan oo aan magaceeda aan ku hadlayo waxaa loogu yaaray in ay dhagaysato waxa ay ku fakarayaan, iyo sida ay waxa u rabaa iyo meesha wax socdaan,saakay ayaan ka kulan shir socday labo saacadood iyo xooggaa iyagana ay sheegeen sida ay wax u rabaan iyo sida ay rabaan in ay u dhacdo runtii waxa ay u muujiyeen walbadan oo ku saabsan in dalka doorashad uga dhacdo” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Guutaale ayaa sheegay in warbaahinta madaxa-banaan ay dhankooda ku biiriyeen musharixiinta talooyinkooda ku aadan doorashada Soomaaliya ee February 2021,si lamid ah ururadii horay kula kulmay midowga Mursharixiinta.

“Warbaahinta madaxa-baanan meesha uma imaan in ay mucaaradtahay ama ay xilraadinayso……kaliya waxaan u imaanay in aan dhagayso sida ay u fakarayaan hogaamiyayaasha dalka soo hogaamisay iyo kuwa hada doonaya in ay hogaamiyaan” ayuu yiri sidaga oo qiray in ay kula taliyeen in laga fogaado wixii khalalaaso keenaya.

Afhayeenka Midowga Musharixiinta Ridwaan Xirsi Maxamed oo u mahadceliyay hogaamiyayaasha warbaahinta madaxa-banaan ayaa sheegay in ay ka dhagaysteen talooyinkooda ku aadan doorashooyinka dalka ka dhacaya horaanta 2021.

Midowga Musharixiinta oo maalintii 5aad ku shirsan magaaladda Muqdisho ayaa lakulmay Ururada bulshada rayidka magaaladda Muqdisho, culimada, ganacsatada, dhalinyaradda, hawaanka iyo saxaafada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More