Jabuuti waxay sheegtay inay ka shaqeyneyso dib u heshiisiin

Dowladda Jabuuti ee loo xilsaaray xallinta khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo bandhigtay tallaabooyinka ugu horreeya ee ay qaadi doonto.

Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dowladiisa ay xil gaar ah ka saran tahay dhameynta xiisada u dhaxeysa labada dal ee deriska ah.

“Waxaan aaminsanahay in Jabuuti ay door ku leedahay nabada iyo xasiloonida gobolka. Shirkii ugu dambeeyay ee IGAD ee lagu qabtay Jabuuti, arintaan waa laga hadlay waana la isku afgartay. Waxaan sii wadeynaa qaboojinta xiisadaha ka jira gobolka, Ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu sharaxay halka ay ka bilaabayaan howsha ay hayaan.

“Berri waxaa magaalada Jabuuti imaan doona wafdi heer sare ah oo isugu jira saraakiil ciidan iyo diblomaasiyiin ka socda Soomaaliya, ujeedka socdaalkooduna wuxuu noqon doonaa sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaalada xadka u dhexeeysa Belad Xaawo iyo Mandheera. hoggaamiyeyaasha.Tani waa howl ay dalka Jabuuti u igmadeen madaxda IGAD, ayuu sii raaciyay hadlkiisa.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhurro Kenyatta, ayaa Isniintii ku kulmay shirkii urur goboleedka IGAD ee ka dhacay magaalada Jabuuti.

Hoggaamiyeyaasha IGAD oo daneynaya qaboojinta xiisadaha u dhexeeya labada dal ayaa ku baaqay in si deg-deg ah wax looga qabto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More