Jaamacadda Manchester oo Ceerisay Saraakiil cunsuriyaysay

Dalka UK gaar ahaan Magaalada Manchester waxaa shaqada laga eryay saraakiil Cunsuriyaysay 19-jir Soomaali ah oo qaxooti ahaan ehelkiisa ay u tageen Ingiriiska, isla markaana wax ka barta Jaamacadda Manchester.

Zac Aadan waxa ay weydiiyeen saraakiishaan in uu tusiyo aqoonsigiisa, kadib markii ay geeyeen gidaarka (Debriga) hoolka Fallowfield, waxaana laga qaaday sawirro ku faafay baraha bulshada oo sababay carada shaqada looga eryay saraakiishaan.

Aadan ayaa sanadkiisa 1-aad dhiganaya Jaamacadda, waxaana ay saraakiisha ay u sheegeen in uu u eg yahay  Nin ka ganacsada Daroogada, waana tan keentay in uu aad uga carooday wiilkaan.

Maamulka Jaamacadda oo war kasoo saaray sheekadaan oo gilgishay Baraha Bulshada, isla markaana abuurtay falcelin badan ayaa sheegay in ay ka welwelsan yihiin sawirka Ardaygaan oo ku faafay baraha Bulshada.

Waxa uu sheegay maamulku in uu baarayo ujeedka gaarka ah ee ka dambeeyay in Ardaydaan sidaan loo bahdilo, kadib markii muuqaalka la duubay ay kasoo dhex muuqdeen saraakiisha shaqada laga saaray ee ku eedeysan Cunsuriyeenta.

Zac Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in markii la weydiiyay kaarkiisa uu tusiyay, balse habka loola dhaqmay aan wanaagsaneen, waxaana uu tilmamaay in uusan hurdo wanaagsan seexan tan & markii falkaas uu la kulmay.

“Waxa aan gacanta ku haystay kaarkayga aqoonsiga, waxa ay isku dayeen in ay iga dhacaan, waxaa xigay in darbiga la igu dhejiyo, qofkasta oo Dhismaha Jaamacadda ku jiray waxaa loo sheegay wixii dhacay iyo in aan u hoggaansamay dalabka ilaalada” ayuu yiri Aadan.

Maamulka Jaamacadda Manchester ayaa raaligelin ka bixiyay dhibka gaaray Zac Aadan oo lagu cunsuriyeeyay midabkiisa dhaladka ah, waxaana ay ka digeen in midab kala sooca uu caadi ka noqdo goobaha ay isugu tagaan Ardayda.

Zac Aadan ayaa sheegay in Waalidiintiisa ay Soomaaliya ka tageen, iyaga oo qaxooti ahaan ku galay dalka Ingiriiska, waxaana uu sanadkaan bilaabay waxbarashada Jaamacadda , isaga oo leh hami aad u fog sida uu sheegay.

Isha: BBC News  / Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More