“Murugo Iyo Qalbi-jab Ayaan Ku Dareemay Qaabkii Aan Uga

Weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez ayaa dib ugu laabtay ka sheekaynta sidii aan wanaagsanayn ee uu kusoo dhamaaday waayihiisii Barcelona oo xagaagii dhowaa uu si waji xumaan ah uga tegay, kaddib markii ay kooxdaasi go’aamisay inuu iska tago.

Luis Suarez waxa uu sheegay inuu dareemay murugo iyo niyad-jab xanuun leh, isla markaana dhabarka loo jeediyey oo loo sheegay in aan la doonayn, balse uu helay koox kale oo uu ka helay soo dhoweyn iyo kalgacal, isla markaana uu ku dareemayo qab.

Laacibkan oo waraysi siinayay wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, ayaa la weydiiyey haddii uu dareemayo in kooxdiisii hore ee Barcelona ay u darsatay maadaama goolal la’aani ku dhacday, waxaanu ku jawaabay: “Maya, waxa jirtay xeelado qorshaysan, ama waxaad doonto adigu ugu yeedh. Aniga waxay ahayd inaan aqbalo sababtoo ah iimay baahnayn, cid kastaana waxay sawiri kartaa dhamaadkeeda. Waa inaan ku noolaado nolosha Atleti, laakiin xumaan ayaan u dareemayaa saaxiibbadayda dhibaatadu haysato, balse waa baratan goolashuna si degdeg ah ayay ku iman doonaan.”

Lionel Messi wali ma dhalinin gool furan, waxaana adag in la arko isaga oo qoslaya. Maxaa ka qaldan?

Waad ku faraxsan tahay Atletico. Laakiin ma dareensan tahay sidii in ixtiraam darro laguugu muujiyey (Barca)?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More