IOM oo sheegtay in ku dhawaad 80-ruux ay ku dhinteen Xeebaha

War kasoo baxay hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan ee IOM ayaa lagu sheegay in ay dhinteen ugu 74-Tahriibe oo ka baxay dalka Liibiya, iyaga oo aan ka gudbin biyaha dalkaas.

Hay’adda ayaa sheegtay in shaqaalaha gurmadka u qaabilsan ee jooga Gudaha Liibiya ay soo badbaadiyeen 47-ruux oo kale lana dhigay goobo lagu hubinayo Xaaladdooda sida warka lagu yiri.

IOM ayaa tilmaamtay in ay kordheen dadka isku dayaya tahriibka ee ka baxaya Xeebaha Liibiya, kuwaas oo halis gelinaya noloshooda, waxa ay bogaadisay ilaalada Xeebaha dalkaas oo marar kala duwan howl badbaado ah sameeyay.

War kasoo baxay Hay’adda ayay ku sheegtay in ay kordheem shilalka Doomaha oo maalmihii lasoo dhaafay joogta noqday, waxaana ay ku baaqday in la dejiyo qorshe lagu xakameynayo falalkaan.

11,000-ruux oo tahriibayaal ah ayaa dib loogu celiyay kadib markii uu fashilmay isku daygooda ay ku doonayeen in ay ku tagaan Dalka Talyaaniga iyaga oo ka gudbayo Biyaha Caalamiga ah ee u dhaxeeya labadaan Dal.

Qalalaasaha Liibiya ka dhacay sanadkii 2011-kii, waxa uu sababay in uu burburo maamulka adkaa, waxaana dhaqaale badan sameeyay kooxaha loo yaqaan Magafayaasha oo Madax furayo ka qaata ehellada Tahriibayaasha kahor inta aysan raacin doomaha ay qaarkood ku nafwaayaan.

IOM ma kala sheegin dhalashada Tahriibayaasha dhintay & kuwa la badbaadiyay, waxaana inta badan Liibiya taga muwaadiniin kasoo kala jeeda: Itoobiya, Eretareeya, Soomaaliya & dalalka kale ee qaaradda Afrika.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More