Hogaamiyaha Jabuuti oo ganacsatada kala hadlay

Hogaamiyaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha Jabuuti iyo hiigsiga 2035 la qaatay ganacsata iyada oo kulanka laga soo hadal qaaday qorshaha hormarinta xukumadda ee 5 sano ee soo socota.

“Waxaan dhagaysanay baahidooda, tabashooyinkooda iyo sidoo kale xalalka loogu talagalay dhacdooyinka maalinlaha ah si aan ulasocdo oo aan uga taageero abuurista ganacsi iyo shaqooyin” ayuu yiri Hogaamiye Geelle.

“In kasta oo ay jiraan dhibaato caafimaad, haddana koritaankeennu wuxuu ahaa mid wanaagsan sannadkii 2020-ka rajaduna waa mid aad u saraysa sannadka 2021” ayuu yiri Geelle oo hadalkiis raaciyay “Waxaan leenahay awoodo muhiim ah oo u baahan in la qiimeeyo si aan ugu sii socono jihada saxda ah”

“Aynu hal-abuurno, maal-gashanno warshadaha oo aan hammi weyn u qabno sidii aan u xoojin lahayn awooddeena saadka iyo dekedda, aan u xaqiijinno hamigeenna caalamiga ah iyo kala-duwanaanta dhaqaalaheena” ayuu hadalkiis ku soo xiray.

Axadle -Jabuuti

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More