Cali Guudlaawe oo lagu qanciyey ka qeyb-galka shirka Muqdish…

Muqdisho (Caasimada Oline) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ugu dambeyn lagu qanciyey inuu ka qeyb-galo shirka golaha wada-tashiga qaranka ee ka dhacaya Caasimadda Muqdisho.

Rooble oo xiriir khadka telefoonka ah la sameeyey Cali Guudlaawe oo ku sugan dalka Turkiga ayaa ugu horreyn ka raalli-geliyey tabashadii uu ka qabay shirka maanta ka furmaya Muqdisho.

“Maxamed Xuseen Rooble oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran,”

Sidoo kale qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha HirShabelle uu shirka uga qeyb-galayo aladda fogaan aragga ee ZOOM, maadaama uu ka maqan yahay dalka, kuna sugan yahay gudaha wadanka Turkey.

“Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM,” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Guudlaawe ayaa ka cabanayey in lagu sameeyey ixtiraam-darro iyo in la yareysanayo maqaamkiisa siyaasadeed, taasi oo ka carreysiisay, maadaama uusan ka qeyb-gelin kulan toddobaadkii hore qadka Zoom-ka ku dhex-maray ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada dalka oo lagu go’aamiyey shirka wada-tashiga ee ka dhacaya gudaha magaalada Axadle Muqdisho.

Shirka golaha wada-tashiga qaran ee u dhexeeya ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ayaa waxaa diirada lagu saarayaa dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii horey loo gaaray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More