Cabdi Xaashi: “Amniga Dalka waxa uu marayaa in

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS ahna Hoggaamiyaha Madasha la magac-baxday (Badbaado Qaran) oo la hadlay BBC-da ayaa dul istaagay Amniga Dalka, Muranka Siyaasadeed, Doorashooyinka & kulamada iska soo horjeeda ee ka socda Caasimadda.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Dalka meel hoose uu ka taagan yahay Amniga. maadaama Caasimadda & Gobollada kale ee Dalka diyaarado la isugu kala gudbayo taasina ay muujineyso heerka uu gaaray ammaanka & kalsoonida safarka dhulka.

“Amniga maanta waxa uu gaarsiisan yahay in diyaarado la isugu kala gudbo, waana dalka keliya ee Dadka ka tagaya Caasimadda ku safraya Diyaarad, Degmoyo aan looga gudbi karin mid kale, xalka loo baahan yahay in heshiis la gaaraa” waa sida uu yiri Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Mar uu ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka Dalka waxa uu dul istaagay qaabka looga saaray talo ku lahaanta kulamada siyaasadeed maadaama uu yahay shaqsiga ugu sarreeyo ee doorasho ku yimid kana soo jeeda Gobollada Waqooyi (Gobaladda Waqooyi).

“Maba lii ogolo in aan ka qayb noqdo wadahadalka lagu doonayo in xalka lagu raadinayo, muddo 30-sano ah ayaan u taagnaa midnimadiisa & nabaddiisa, waxaa shirka iga hor istaagay ka qaybgalkiisa Dad shalay yimid oo aan ogeyn xaaladda lasoo maray ayaa Ii diiday” Sidaasi waxaa yiri Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Muddo sharciyeedka Hay’adaha Dowladda ee dhammaaday & waqtiga aan sida rasmiga ah loo tilmaami karin in ay dhaceyso Doorashooyinka ayuu dul istaagay, waxaana uu soo jeediyay in dalka loo dejiyo qorshe loo dhan yahay.

“Muddo sharciyeedka Hay’adaha Dowladda Federaalka wuu idlaaday, khilaafka ayaa sii siyaaday (Kordhay), halka aynu taagan waa lagama maarmaan in xal la helo, mid nabadeed, midnimo & in looga gudbayo caqabadaha taagan” ayuu yiri Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Muqdisho waxaa ka socda kulamo dhinacyo kala duwan u dhaxeeya, dhaqdhaqaaqa ugu badan waxa uu ku fooraraa khilaafka hortaagan qabsoomidda Doorashooyinka Dalka ay ku heshiiyeen Hogaamiyayaasha Federaalka & Dowlad Goboleedyada oo ogolaaday Baarlamaanka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More