RASMI: Toni Kroos Oo Ku Dhaawacmay Xulka Qaranka

Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa dib ugu safray dalka Spain isaga oo iskaga tagay xerada tababarka ee xulkiisa Germany kaddib markii uu gaadhay dhaawac muruqa ahi iyadoo baadhitaano maanta oo Arbaca ah lagaga qaadayo xerada tababarka ee Valdebebas.

Xiddiga Real Madrid ayaa shalay u safray magaalada Dusseldorf si uu halkaas tababarka ugula biiro xiddigaha ay xulka wada metelaan balse haatan ayuu soo kabashadiisa ku qaadan doonaa magaalada Madrid.

Xidhiidhka kubadda cagta Germany ayaa soo saaray warbixin rasmi ah oo ay ku sheegayaan in Toni Kroos uu gaadhay dhaawac muruq ahi.

Tababaraha xulka ee Joachim Low ayaa shaaca ka qaaday inuu Kroos jeclaan lahaa inuu lasoo joogo isla markaana uu isagu jeclaa inuu sii haysto balse uu xulka uga diray si uusan halis u gelinin xilli ay Euro kusoo wajahantahay xagaagan.

Germany ayaa ciyaaraya kulamada isreeb-reebka koobka aduunka ee 2022 iyagoo ku furan doona xulka Iceland Khamiista waxaana usoo raaci doona xulalka Romania iyo North Macedonia.

Wargeyska AS oo xaalada dhaawaca Kroos ka warramay ayaa sheegay inuusan ahayn dhaawac halis ah walow aan la ogaan karin heerka uu gaahsiisan yahay ilaa warbixin caafimaad ay kasoo saarto Real Madrid.

31 sano jirkaas ayuu shaki ku jiraa ka qayb qaadashadiisa kulanka Sabtida 3-da April ay Real la ciyaarayso dhigeeda Eibar balse waxa la filayaa inuu soo laaban doono midka Champions League ee 6-da April ee Liverpool iyo waliba midka 10-ka bisha ee Barcelona.

Warkan ayaa ah mid imanaya xilli Real Madrid loo xaqiijiyay inay dhigeeda Liverpool kaga hortagi doono garoonkeeda Alfredo Di Stefano walow markii hore laga shaki qabay in garoon kale la tagi doono sababo la xidhiidha sharciga dawlada Spain uga yaala duulimaadyada uga yimaada UK.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More