Booliiska Baladweyne oo sheegay in ay dad u xireen dil ka

Ciidamada ammaanka Magaalada Baladweyne ayaa howlgal ay kusoo qabteen dad u badan dhalinyaro ka sameeyay Xaafadda Buunda weyn oo lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii xaafaddaas.

Booliiska ayaa shaqsiyaadka qaar geeyay xarumahooda baarista si ay su’aalo u weydiiyaan, maadaama tuhun la xiriira dilka uu galay, sidaas awgeed loo baahday in laamaha ammaanka ay xaqiijiyaan.

Taliyaha Booliiska Magaalada Baladweyne Labo XIdigle Maxamed Maxamuud Qoorsheel ayaa sheegay in ciidamada ammaanka wali ay wadaan fal ka daba-tag ah, natiijada usoo baxdana ay soo gudbinayaan.

Koox hubeysan ayaa xalay fiidkii Xaafadda Buundo weyn ku toogatay Guddoomiye ku xigeenkii Xaafaddaas Cabdi Muxumed (Kuukaay Dheere) waa ay baxsatay dilka kadib, kahor inta aysan goobta tagin Ciidamada Booliiska.

Magaalada Baladweyne waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka socday howlgalo baaris ah, ammaanka xarunta Gobolka Hiiraan ayaa isbadal ku yimid, kadib markii dilalka & dhaca ay ku yaraadeen sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka Baladweyne.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More