69-ruux oo lagu dilay dibadbaxyada ka socda Nigeria! –

Shacab ka careysan tacaddiyada ay geysanayaan Ciidamada Booliiska Dalka Nigeria ee dhaca Waqooyiga Afrika ayaa isu-soo baxay waddooyinka waaweyn iyo meelaha kale ee muhiimka ah.

Ugu yaraan 69-ruux ayaa lagu dilay dibadbaxyada socda, halka dadka Shacabka ah xoojiyeen muujinta cabashadooda ka dhanka ah dhibaatooyinka ay ka sheeganayaan laamaha ammaanka sida ay daabacday Wakaaladda Wararka Xinhua oo ilo wareedyo katirsan Madaxtooyada soo xigatay.

Ilahaan ayaa shaaciyay in Hogaamiyaha Nigeria Muhammadu Buhari oo la kulmay mas’uuliyiin hore oo xilal kala duwan soo qabtay uu u gudbiyay xogta la xariirta dhimashada dadkaan.

kulanka diiradda lagu saarayay qorshaha sugidda amniga ee uu shir guddoomiyay Hogaamiye Buhaari waxa uu ka qaybgalayaasha la wadaagay habka loo sameyn karo iskaashi wadajir ah oo lagu wajahayo sugidda Ammaanka dalkaas.

Dibadbaxyada Nigeria ayaa bilawday 7-dii bishaan Oktoobar, waxaana la xaqiijiyay in dadka dhintay ay isugu jiraan Shacab, Booliis & askar kale sida lagu sheegay war laga soosaaray kulankaas.

Isu-soobaxa shacabka careysan ayaa sii xoogeystay kadib markii shacabku ay sheegeen in ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka ay geysanayaan Ciidamada Booliiska ee sugaya ammaanka dalkaas.

Nigeria ayaa wajaheysa dhibaatooyin dhanka xannuunka Covid-19 ah, Amni, kacdoon shacab iyo mid dhaqaale, waana culeys kusii kordhaya Xukuumadda Hogaamiye Muhammadu Buhari oo haatan ka fakiraya tallaabada uu qaadayo.

Cod baahiyaal ayaa dadka looga dalbaday in ay dib ugu laabtaan hoygooda, isla markaana ay ilaaliyaan bandowga loo arkay in uu xal u yahay xakameynta faafitaanka Xannuunka Covid-19 ay dhaqangeliyaan.

Haddaba, Suuragal ma tahay in dibadbaxa ka socda Nigeria uu sababsado Hogaamiye Muhammadu Buhari?

Isha: Xinhua   / Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More