Hordhac: Manchester United vs Chelsea

Manchester United ayaa maanta kusoo dhoweynaysa garoonkeeda Old Trafford kooxda kubadda cagta Chelsea, waxaanay jilbaha iskugu dhigan doonaan kulanka usbuuca lixaad ee horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan.

Red Devils oo kulan xusuus wanaagsan u lahaa toddobaadkii hore kusoo qaadatay magaalada Paris oo ay kusoo garaacday PSG ayaa qaabbilaysa Chelsea oo garoonkeeda Stamford Bridge barbarro goolal la’aan ah kula soo gashay Sevilla.

Toddobaadyadu kala duwan!! maalmo ka hor, Manchester United ayaa ahayd koox qalalaase ku jirta oo 6-1 ay kaga badisay Tottenham, taas oo keentay in su’aal la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Ole Gunnar Solskjaer, haddana waxay soo dhoweynaysaa Chelsea iyadoo hawada maraysa oo kusoo laabatay jidka guusha  ee horyaalka Premier League oo 4-1 ku garaacday Newcastle United, kuna sii arsatay PSG oo ay garoonka Parc des Prince kusoo karbaashtay habeenkii Salaasada.

Labadan guulood ee is xigay oo Manchester United ay marti ahayd, waxay meesha ka saareen walaacii ay jamaahiirta Red Devils ka qabeen tababarahooda iyo tayadoodaba, waxaana durba diiwaanka ugu jira inay badisay shan ka mid ah lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada, wali se haddana walaacu wuu jirayaa haddii ay guul kasoo hoyn waayaan kulanka maanta ay ku qaabbilayaan Chelsea.

Dhinacva kale, Chelsea ayaa ah kooxda uu culayska ugu badan saaran yahay, waxaana calaamad su’aal ay saaran tahay mustaqbalka tababare Frank Lampard oo lacag badan kharash gareeyey xagaagii.

Blues waxay dhibaatada ugu weyni ka haysataa difaaca, waxaana tan iyo bilowgii xili ciyaareedkii hore laga dhaliyey 42 gool oo horyaalka Premier League oo kaliya ah, halka ay weerarkoodu dhaliyeen 87 gool, taas oo ka dhigan in laga dhalyey kala-badh goolasha ay weerarkoodu dhaliyeen.

Intii uu horyaalkani bilaabmay ayaa Chelsea ay heshay rikoodhkeeda ugu liita, waxaana celcelis ahaan kulan walba laga dhaliyaa 1.5 gool, waxaana ugu dambaysay ciyaartii Southamptan ay barbarraha 3-3 ku kala baxeen iyagoo waliba laba gool la hor marya.

Muddo ay Chelsea ka cabanaysay gool-haye xumo kaddib waxay heshay Edouard Mendy, waxaanay ka daba keeneen goolhaye Petr Cech oo isaga oo shaqo lataliye ka hayey kooxda haddana lagu soo daray liiska ciyaartoyda, si uu qayb uga noqdo xalka dhibaatadan.

Sevilla oo ay barbarro goolal la’aan ah la galeen, waxay Chelsea uga dhignayd toddobaadkii hore in hal ciyaar oo kaliya ay badiyeen dhamaan shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey tartamada.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Manchester United vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 7:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Old Trafford

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Manchester United waxa usoo laabtay Harry Maguire oo dhaawac ku seegay ciyaartii PSG, laakiin Eric Bailly ayaa muddo afar toddobaad ah la filayaa inuu bannaanada sii joogi doono.

Axel Tuanzebe oo wacdaro ka dhigay ciyaartii PSG, isla markaana loo doortay xiddiga garoonka ayaa la filayaa inuu xajisan doono booskiisa, waxaase maqan weeraryahanka Anthony martial oo kulankii labaad ku seegaya ganaax saddex ciyaarood ahaa kaddib casaankii la siiyey ciyaartii Spurs, waxaanay taasi fursad siinaysaa Edinson Cavani.

Mason Greenwood ayaa sidoo kale rajaynaya inuu kusoo laaban doono kooxda kaddib dhaawac aan xoogganayn oo uu ku maqnaa labadii kulan ee ugu dambeeyey, balse saaxiibkii Jesse Lingard ayaan diyaar u ahayn ciyaartan, halka Paul Pogba oo qaybtii hore ee kulankii PSG kaydka fadhiyey uu kusoo labaan doono booskiisa dhexda oo uu ka garab ciyaari doono Bruno Fernandes oo intii uu joogay United u dhaliyey 16 gool iyo 11 caawimood.

Dhinaca kale, Chelsea ayaa wada haysata dhamaan ciyaartoydeeda marka laga reebo Billy Gilmour iyo Kepa Arrizabalaga oo dhaawac ah, waxaana ciyaartii Sevilla ka hor usoo laabtay Mendy oo hore dhaawac u ahaa.

Frank Lampard ayaa hoos u dhigay wararka walaaca gelinaya taam ahaanshaha Thiago Silva oo jug kasoo gaadhay kulankii Sevilla, halka Hakim Ziyech uu doonayo in kulankiisii ugu horreeyey lagu soo bilaabo.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:

Manchester United:De Gea; Wan-Bissaka, Tuanzebe, Maguire, Telles; McTominay, Fred; Greenwood, Fernandes, Rashford; Cavani

Chelsea: Mendy; James, Silva, Zouma, Chilwell; Jorginho, Kante; Mount, Havertz, Pulisic; Werner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More