Gabar 13 jir ah oo gudaha Soomaaliya ugu geeriyootay gudniin…
Dhuusamareeb (Axadle) – Gabadh 13 jir ah oo ku nooleyd tuulada Jeerinle oo deegaan ahaan hoostagta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaa u geeriyootay dhiig-bax xoogan, kadib markii lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah.
Gabadha yar oo lagu magacaabi jirey Fartuun Xasan Axmed ayaa si weyn u qabsatay geerideedu wakaaladaha wararka caalamiga ah, ayada oo lagu soo waramayo in dhacdadaan ay tahay middii ugu horeysay ee tan iyo sanadkii…