Wararkii ugu dambeeyey ee shirka golaha

Muqdisho (Axadle) – Magaalada Muqdisho ee Axadle Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmayo shirka golaha wada-tashiga qaran ee u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada ka jira iyo sidoo kale gobolka Banaadir.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ayaa haatan ka socota  Muqdisho, gaar ahaan Teendhada Afisyoone, iyada oo Axadle ay haatan ku sugan yihiin inta badan hoggaamiyeyaasha maamullada, waxaana kaliya la sugayaa Deni & Guudlaawe oo ku soo wajahan Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saari doonaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka, waxaana guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Sida ay ogaatay Axadle, madaxda ayaa si gaar ah shirkooda berri ku lafo-guri doona Afar qoddob oo muhiim ah,kuwaasi oo kala ah:-

1. Diyaar garowga doorashooyinka golaha shacabka2. Diyaarinta habraacyada doorashooyinka3. Raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka4. Dhameystirka doorashada Aqalka Sare

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana nawaaxiga hoolka uu shirka ka dhacaya ku sugan ciidamo Boolis ah iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Shirkan oo uu dib u dhac ku yimid furitaankiisa ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo la guda-galay doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Doorashooyinka ka dhacaya dalka ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana is jiid jiid dheer, kadib heshiis looga gaaray Caasimadda Muqdisho ee Axadle Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More