Gary Neville Oo Magacaabay SADDEXDA Meelood Ee Manchester
Halyeyga Manchester United ee Gary Neville ayaa tilmaamay saddexda meelood ee ay ka liidato kooxdiisa hore, isla markaana ay u baahan yihiin inay iska xoojiyaan inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoyda ee ay maalmaha kooban ka hadhsan yihiin.Manchester United ayaan awood u yeelan doonin inay ciyaartoyo cusub lasoo saxeexato wixii ka dambeeya October 5 oo ah maalinta uu suuqu xidhmi doono, waxaana wali Red Devils ay ku jirtaa xaalad adag oo ka haysata safkeeda.United ayaa ku fashilantay inay lasoo wareegto Jadon Sancho oo…