Wakiilka Donny van de Beek Oo Dhaleeceeyay Man United Isagoo
Wakiilka Donny van de Beek oo lagu magacaabo Sjaak Swart ayaa ku dhaleeceeyay Manchester United sida ay u isticmalayaan saxiixooda ay 39ka milyan ginni kala soo wareegeen Ajax.Xiddiga reer Netherlands ayaa kaliya ciyaaray 24 daqiiqo labadii kulan ee Premier League ee ay xilli ciyaareedkan la ciyaareen Crystal Palace iyo Brighton.Van de Beek ayaa shabaqa ka soo taabtay Palace, wuxuuna United u keenay rigooradii ay kaga badiyeen Brighton. Waxa uu sidoo kale ku soo bilowday kulankii ay United 3-0 kaga badisay Luton wareegii…