Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Dhexmaraya Kooxaha Leicester City Vs Man United
Kooxda kaalinta seddexaad ee Manchester United ayaa hal dhibic ka horeysa kooxda kaalinta labaad ee Leicester City, waana kulan muhiim ah oo mid ka mid ah guuleystayaashu uu u sii fidi doono kaalinta labaad.Leicester City ayaa dhalisay 27 dhibcood 14 kulan oo ay ciyaartay Premier League xilli ciyaareedkan, kaliya hal dhibic ayey ka sarreysaa kooxda kaalinta seddexaad ee Manchester United oo hal kulan gacanta ku haysa.Ma jirto koox ka sareysa Premier League oo lumisay wax ka badan Leicester City, waxaana laga badiyay shan…