Gabriel Magalhaes Oo Magacaabay Xiddiga Uu Ka Helay Premier
Difaaca Arsenal ee Gabriel Magalhaes ayaa magacaabay laba ciyaartoy oo horyaalka Premier League ka dheela oo uu aad ula dhacsanaa qaab ciyaareedkooda iyo la kulankooda, waxaanu ku daray weeraryahan ay ku adkaatay inuu xakameeyo intii uu xirfadda kubadda cagta ku jiray.Gabriel Magalhaes oo ay da’diisu tahay 22 jir ayay Arsenal £27 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Lille xagaagan, waxaana uu boos joogto ah ku yeeshay Gunners.Isla markii uu soo gaadhay London, Arteta ayaa kusoo tuuray kulankii Arsenal ay 3-0 ku garaacday…
