Iska Illow Toni Kroos, Xiddig Kale Oo Laf-dhabar
Real Madrid ayaa lagu wargeliyey laba dhaawac hal maalin gudaheed, waxaana iyagoo madaxu ka xanuunayo xogta muujinaysa in Toni Kroos uu ku dhaawacmay xulka qaranka dalkiisa oo uu dib ugu soo laabanayo magaalada Madrid, ay haddana ogaadeen in mid ka mid ah laacibiintii isbeddelka ku sameeyey kooxda bilihii ugu dambeeyey uu isaguna dhaawac soo gaadhay.Xiddiga khadka dhexe ee Fede Valverde oo ka baaqday ciyaaraha caalamiga ah kaddib markii xidhiidhka kubadda cagta Latin America uu joojiyey kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka…