Garsoore Caan Ah Oo 15 Bilood Oo Xabsi Ah Lagu Xukumay Ka Dib Rigoore
Garsooraha reer Serbia Srbjan Obradovic ayaa lagu xukumay xabsi 15 bilood ah iyo 10 sannadood oo laga mamnuucay shaqada garsoorenimo ka dib rigoore uu dhigay seddex sannadood ka hor.Obradovic ayaa dhex dhexaadinayay kulan u dhaxeeyay kooxaha Spartak Subotica iyo Radnicki Nis ee horyaalka Serbia sannadkii 2018, kulankaas lagu go’aansanayay kooxda u soo baxeysa koobka Europa League.Garsooraha ayaa labo rigoore u dhigay Subotica intii ay ciyaarta socotay, labada rigoore waa la dhaliyay taasoo keentay inay Subotica 2-0 ku…