Tii Horeba Tan Ayaa Ka Daran! Neymar Oo Tuurnalka Ku Galay Dagaal
Xiddiga reer Brazil ee Neymar oo kaadh cas qaatay dhamaadka ciyaartii guul-darradu kasoo gaadhay kooxdiisa PSG xalay ayaa ku dagaallamay tuunalka laga sii baxayo garoonka.Laacibkan ayaa garoonka ka baxay daqiiqaddii ugu dambaysay kaddib markii la siiyey laba kaadh oo kala dambeeyey, waxaana isagoo ku sugan waddada garoonka laga sii baxayo ka daba yimid difaaca Lille ee Tiago Djalo oo isagana kaadh cas lasoo siiyey.Neymar ayaa dagaal toos ah kala hor yimid Tiago Djalo iyagoo labadooduba ku sii socda qolka lebbiska, waxaana…